“Xaaji Cabdi-Waraabe wuxuu ka sii digay Xaalad Waqtigan taagan!” W/Q: Cali Caano-dhame

Maadaama Xaaji Cabdi Xuseen Uu AHUN Ahaa Nin Weyn Oo Cimrigiisu Baarka Ka Gooyay Hal Qarni Iyo Soo Raac, Noloshiisa Intii Badnaydna Ku Bixiyay Islaaxa Iyo Nabadda Bulshada , Waxa Hubaal Ahayd Inuu Xog Ogaal U Ahaa Waayo Badan Oo Kusoo Taxnaa Geeddi Nololeedkiisa.
Kaasi Oo Ku Arooraya Sooyaalka Dhaqan Dhaqaale,Siyaasadeed ,Nabad Gelyo Iyo Bulsho Ee Dalka Iyo Dadka Somaliland Iyo Sidoo Kale Deegaanada Kale Ee La Ologga Ah Somaliland, Waayahaasi Qaarkood Goob Joog Ayuu U Ahaa Xaajigu, Halka Uu In Badan Oo Kalena Wacaashooda Qabay.
Anigoo Hadaba Ka Duulaya Ahmiyadda Ay Leedahay Xogtaasi Ku Duugan Xaajiga, Waxaan Wax Badan Xiisayn Jiray Inaan Waraysi La Yeesho Kol Uun Haddii Eebe Igu Simo,
AHN Xaaji Cabdi Xuseen Maalin Arbaca Ah Oo Ku Aadan 6dii Bishii March Sannaddii 2006dii Ayay Ii Suurto Gashay Inaan Wararysi Taabanayay Dhinacyo Badan Kaga Qaado Xaajiga AHN Gurigiisa,Saddex Maalmood Oo isku Xiga.
Iyadoo Aan Si Taxane Ah U Soo Gudbin Doono Haddii Allah Yidhaa Waraysigaasi Oo Goo Goos Ah.
Waxaan Si Gaar Ah U xiiseeyay Runtii Inaan Asxaabta Kula Wadaago Halkan Mid Ka Mid Ah Su’aalihii Aan Xaajiga Ku Waydiiyay Waraysigaasi,Oo Jawaabtii Ama Tafaasiishii uu ka bixiyay Ku Qaadatay waqti 7 Daqiiqadood .Ah.
Xaajiga Oo Allah Ha U Naxariistee Ka Mid Ahaa Tiirarkii Tacabka Badan Geliyay Nabadda Iyo Dhismaha Qaranka,Jeclaana Jiritaanka Dadkiisa Iyo DaLkiisa,Waxa Uu Dardaaran Xoog Badan U Dhaafayaa Axsaabta Mucaaradka Ah Iyo Kolba Hoggaanka Talada Haya,
Iyadoo Ay Ka Muuqato Weedhaha Xaajiga, Sida Uu Wer Werka Uga Muujiyay inay Kala Geeyaan Bulshada Afcaasha Leexsan Ee Ay Laasimeen Axsaabta Mucaaradka Ah Iyo Xukuumaduhu Intii Loo Gudbay Waxan Loogu yeedho Dimoqraadiyadda.Ee Dunida Galbeedka Laga soo Waariday.
https://youtu.be/tDj9MLgEU8E
https://youtu.be/tDj9MLgEU8E.