Qaraxyo Caawa ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Laba qarax oo is-xigay ayaa goor-dhow ka dhacay hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadan uu ka dhacay gudaha hoteelka gaar ahaan goobta soo dhaweynta, kaasoo si farsamo xumo ah kaga qarxay ruux boorsada Lap-top-ka ku sitay walxaha qaraxa.

ae98252b1d99aafa7fdbbbad444270f2_L

Sida ay baahisay shabakadda Hiiraan oo aannu warkan ka soo xigannay, waxaa la xaqiijiyay in qaraxii hore uu dhaawac fudud kasoo gaaray ruux ku sugnaa qaybta soo dhaweynta ee hoteelka, iyadoo ruuxii qaraxa ku watay boorsada ay qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya; iyadoo qaraxaas ka dibna uu qaraxay gaari hoteelka hortiisa yaallay.

“Qaraxyo is-xigay oo waaweyn ayaa ka dhacay hoteelka, waxaana dhintay inta aan aragnay laba qof oo ku dhintay qaraxii ka dhacay bannaanka hoteelka oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, mid ka mid ah labada qof wuxuu ka mid ahaa kooxihii doonayay inay qaraxyada ka geystaan hoteelka, halka qof kalena uu ahaa rayid,” sidaas waxaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Qaranka.

Goobjooge ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa ayaa isaguna sheegay in qaraxyadu ay is-xigeen ayna u dhexeeyeen dhowr daqiiqo, isagoo xusay in qaraxa dibadda hoteelka ka dhacay uu ahaa mid aa u xooggan.

“Raggan waxay ahaayeen saddex qof, waxayna hoteelka ka kireysteen qol, halkaasoo ay doonayeen inay qaraxyo ku farsameeyaan hoteelka gudihiisana ay ku qarxiyeen, balse way ka fashilmeen, waxaana haynaa qof ka mid ahaa saddexaad qof oo aan su’aalo weydiinayno,” ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray.

Hoteelka ayaa waxaa ku sugnaa xilliga uu dhacay qaraxii koowaad xildhibaanno iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan waxba gaarin, iyadoo ay hoteelka markiiba soo buuxiyeen ciidamada ammaanka dowladda, halkaasna ay hadda ka wadaan baaritaanno.

Si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan fashilmay ee la doonayay in hoteelka lala beegsado, mana jirto cid sheegatay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo abaabulan oo ay ka dambeysay kooxda Al-shabaab.

Hoteelka Maka Al-Mukarama oo ku yaalla jidka ugu mashquulka badan magaalada oo taga xarunta madaxtooyada ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamada amniga dowladda, iyadoo aan la ogeyn halka uu aaday ruuxii saddexaad oo kooxahan la socday, waxaana tani ay ku soo beegmaysaa xilli magaalada Muqdisho ay bilihii lasoo dhaafay ahayd mid ammaan ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.