Xukuumadda Siilaanyo oo Warbaahinta ku hambalyeysay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dhammaan Saxaafadda dalka ku bogaadisay sannad-guurad guurradda 15-aad ee xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sabtida Berri ku beegan.

CUKUSE1

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu galabta ka soo baxay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan Saxaafadda Somaliland oo uu ku bogaadinayo 15-guuradda ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu xuskaas awgii dhambaal hambalyo gaadhsiinayaa dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta dalka oo uu u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan horumar iyo waddaniyad. Waxaanu xusay in madax banaanida Saxaafadda Somaliland ay tahay mid aan la dafiri Karin oo Somaliland ku kasbatay sumcad iyo sharaf aynu kaga duwan nahay inta badan dalalka afrikaanka iyo dunida sadexaadba.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.