Tirade dadka ku dhintay qarax ka dhacay dalka Itoobiya

Segno Gebeya(Aftahannews):- Afar qof ayaa ku dhimatay gaari caasi ah oo ay dad saarnaayeen kaddib markii qarax miino lagula beegsaday magaalo ku taal galbeedka dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Segno Gebeya, xilli ay ka digtay  dowladda Itoobiya weerarro argagixiso oo dalkeeda ay ka geysato kooxda Soomaaliya ka dagaallanta ee l-shabaab.

MINI

Waxaana arrinkan u xaqiijiyay wakaallada wararka ee Reuters Sarkaal ka tirsan dawladda Itoobiya oo sheegay inaanay jirin cid sheegatay Masuuliyadda weerarkan.

Dowladda Itoobiya ayaa Salaasadii shaacisay inay heegan sare gelisay Ciidammadeeda ammaanka, ka dib markii ay heshay macmuulaad muujinaya in Al-shabaab ay qarka u saarantahay inay weerarro ka geysato gudaha dalka Itoobiya.

“Bumbadu waxay ku qaraxday gaadhi Bas-caasi ah gudihiisa, kaasoo ku dhex safrayay magaalada Segno Gebeya,” sidaas waxaa yiri  Shimeles Kemal oo ah afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya oo sheegay in magaalada weerarku ka dhacay ay ku taal xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Sudan.

“Weerarkan masuuliyadiisa cid sheegatay ma jirto wali baaritaannada ayaa socda” ayuu sii raaciyay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli sadex todobaad ka hor dawlada Itoobiya ay shaacisay in labo nin ay ku qaraxday bumbo ay doonayeen inay weeraro u isticmaalaan guri ku yaalla magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya inay ka gaysan doonaan weeraro aargoosi ah iyagoo horay u sheegtay weeraro ka dhacay wadamada Uganda iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.