Maraykanka oo markii ugu horreysay sheegtay inuu yahay dawlad Islaam ah iyo jawaabta Muslimiinta

Washington(Aftahannews):- Dawladda Dalka Marakanka, ayaa taariikhda markii ugu horraysay sheegtay inay tahay Dawlad  Muslim ah  oo ku dhaqanta  Diinta Islaamka isla markaana uu maamulkoodu waafaqsan yahay shareeda Islaamka.

united-states-flag

Sarkaal sare oo katirsan aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa jeediyay hadal dood badan ka dhax dhaliyay muwaadiniinta Mareykanka oo badankoodu  aan haysan diinta Islaamka .

La taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Obama, Mahame Al-ibyaari , ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in dowladda Mareykanku ay tahay dowlad islaami ah islamarkaana ay ku dhaqanto qawaaniin waafaqsan shareecada Islaamka.

Mahame Al-ibyaari  oo xubin ka ah guddiga latalinta amniga qaranka Mareykanka, ayaa isagoo kajawaabayay su’aal  ku saabsanayd qaab aan islaami ahayn oo Mareykanku ku wanaajin  karo cilaaqaadka ka dhexeeya Musliimiinta  caalamka oo uu weydiiyay  wariye Mareykan ah oo lagu magacaabo Team Li’,ayaa ku jawaabay  hadal muran badan ka dhaliyay gudaha dalka Maraykanka isla markaana ay siyaabo kala duwan uga hadleen Muslimiinta dalkaas iyo dadka aan islaamka ahayn oo qoloba dhankooda uga cadhootay.

 Mahame Al-ibyaari ,oo ka jawaabayay su,aasha ahayd waa sidee qaab aan Islaami ahayn oo uu dalka Maraykanku ku wanaajin karo xidhiidhka uu la leeyahay Caalamka Islaamka.” ayaa yidhi:  

“Haa Mareykanka ayaaba ah Dowlad Islaami ah sababtoo ah qawaaniinta uu Mareykanku ku dhaqmo waxay waafaqsan yihiin shareecada Islaamka”

Hadalka Mahame Al-ibyaari,ayaa dood adag ka dhex abuuray dalka Mareykanka isla markaana dadka aan Muslimka ahayni kaga jawaabeen Al-ibyaari inuu yahay nin wax u dhimaya ilbaxnimada dalka Maraykanka kuna tilmaamay inuu yahay dal ku dhaqma Shareecadda Islaamka oo ay diiddan yihiin in lagu tilmaamo in dawladdoodu ku dhaqanto.

Dhanka kale Muslimiinta ku dhaqan dalka Mareykanka,ayaa cadho weyn ka muujiyay hadalka ka soo yeedhay la taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Obama oo ay ku sheegeen inuu meel ka dhac ku yahay hadalkiisu diinta Islaamka.

Golaha sare ee Muslimiinta dalka Mareykanka,ayaa hadalka Al-ibyaari ku sheegay mid uu ku jees jeesayo Diinta Islaamka isla markaana Dawladda USA ku eedeeyay inay tacadiyo badan ku hayso dadka muslimiinta ah.

Washington Times  oo arrintan wax ka qortay,ayaa sheegtay in dagaal badan oo dhanka  Internet-ka ah in lagu qaaday Al-ibyaari markii uu warkaa sheegay ka dib kaasoo kaga imanayay dadka Muslimiinta ah iyo dadka aan Islaamka ahayn ee ku wada dhaqan dalka Maraykanka.

Waa markii ugu horraysay ee masuul  sare oo ka tirsan Xukuumadda Maraykanku uu sheego in dalkaasi uu yahay mid Islaami ah kuna dhaqmo shareecad Islaamka , iyadoo la og yahay in Dawladda Washington ay dagaallo badan oo ka socda caalamka Islaamka qayb ka tahay ciidamadeeduna ay ku sugan yihiin dalal Muslim ah oo ay ka dhex dagaalamaan.

Aftahannews.com

Hargeyesa/Somaliland.