Soomaali lagu heysto rarka Doonni dad badani ku dhinteen oo lagu xidhay Talyaaniga

Lambadusa(Aftahannews):- Nin Soomaali ah oo loo haysta doonidii ku quustay meel u dhow jasiiradda Lambadhuusa ayaa lagu xidhay dalka Talyaaniga.

131021113137_lampedusa_1_304x171_bbc_nocredit

Dad gaadhaya 350 ruux oo Afrikaan ah oo si sharci-darro ah ku galayay Talyaaniga, ayaa halkaas ku dhintay. Ninkaas ayaa lagu eedeynayaa inuu qeyb ka yahay koox dadka sharci-darrada ku soo gelisa Talyaaniga.

Eedeysanahan ayaa lgu soo warramayaa inuu dhex-galay dadkii ka soo badbaaday Doonnidaas degtay.

Qaar ka midh dadkaas soo badbaaday ayaa aqoonsaday in uu yahay ninkii soo raray Doonta degtay. Dadka halkaas ku dhintay waxay u badnaayeen Soomaali iyo Eritreyaan. Talyaaniga ayaa dadkii halkaas ku dhintay u sameeyay aas qaran.

Tobonnaan ruux ayaa sannad walba ku dhinto Badda iyagoo doonaya inay gaadhaan dalka Talyaaniga.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.