Dagaal Dad Badani Ku Dhinteen oo Laba Beelood Ku Dhex Maraya Deegaanno Hoos Taga Jawhar

Jawhar(Aftahannews):-Dagaallo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 Qof ,ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socda deegaano hoos taga magaaladda Jawhar,halkaas oo la sheegay inuu dagaalkaasi ahaa mid aan waxba la iskula hadhin.

  Dagaalkana ayaa ahaa mid aan waxba la iskula hadhin oo ay labada beelood mid kastaa awoodeeda ciidan ku dagaalantay ,dhibaatada ugu daranina waxay soo gaadhay dumarka iyo caruurta oo barakacay ka dib markii la gubay deegaano badan oo dhanka galbeed kaga began magaaladda Jawhar.

 Timire, Buulo Tiyeega, Buulo Waraay  iyo Geedo Barkaan ayaa lagu soo waramayaa in dab la qabadsiiyey hanti wixii ku jirayna ay sidaasi ku baaba’een. Caruurtii iyo haweenkii ayaa waxay ka talaabeen wabiga iyagoo adeegsanaaya doonyo macmal ah halka qaar kalena ay u socdaaleen tullooyin ka ag dhaw.

 Beel ka tirsan beelaha dagaalamay ,ayaa haatan waxay difaac kaga  jiraan tuulo aan sidaasi ugu fogeyn tuulooyinka la gubay oo la yidhaahd Gaafaay.

 Wax wadahadal ah oo lagu istaajinaayo dagalaada ayaan muuqan mana jirto isku dayo lagu joojiinayo dhiiga daadanaayo.

 Dhanka kale dowlada Soomaaliya  ayaan wax talaabo ah  qaadin oo lagu joojinayo  dhiiga daadanaya 

Aftahannews.com 

Hargeysa Somaliland