Perves Musharaf Oo Xabsi Guri Laga Sii Daayay Mid Kalena Loogu Bedelay

Islamapad(Aftahannews):- Madaxwayhihii talada dalka Pakistaan xoogga kula wareegay ee Millatariga ahaa Perves Musharaf,ayaa laga sii daayay xabsi guri oo uu muddo  ku xidhnaa,\

 Todobo bilood kadib, dowladda wadanka Pakistan ayaa maanta shaacisay in laga sii daayay xabsi gurigii uu ku xidhnaa  Madaxweynihii hore ee Pakistan Parves Musharaf  isla markaana ugu bedeshay xabsi dal kaasoo a dhigaya inaanu dalka dibadiisa u bixi karin.

Perves Musharaf oo loo haystay eedeymo fara badan, ayaa waxa uu haatan dib u helay xoriyadiisa qayb ka mid ah muddo todobo bilood ka dib ah.

Dowlada  Pakistan ayaa sidoo kale  shaacisay in Perves Musharaf inaanu dalka dibada uga bixi Karin laakiin uu gudaha waddanka meel kasta ka tegi karo.

Qareenka u dooda Parvez Musharaf, ayaa saxaafada u sheegay in muhiimadu inaanay ku ekayn oo kaliya  xoriyada uu ka helay xabsi guriga balse loo baahnaa in Musharaf uu heli karo fasax dibadda uu ku tegi karo si caafimaadkiisa loo soo baadho.

Musharaf ayaa dalka Pakistan waxa uu kala wareegay af-genbi Madaxweynaha xilligan Nawad Sharif oo xilligaas ahaa R.wasaare dalkana ka maqnaa isaga oo ku amray inaanu dalka soo geli Karin , waxaanu  markaa kadib bedelay sharcigii dalka oo loo bedelay dal uu Madaxweynuhu awoodda leeyahay.

Kaligii taliskii hore ayaa la xidhay kadib markii uu dalka doorasho ku qabsaday ninkii hore uu  u af-genbiyay iyada oo lagu eedeeyay denbiya badan.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland