Carruurta Waalidkoodu Garaaco oo la Ogaaday in ay Noqdaan Qaar Dabeecad iyo Dhaqanku ka Xumaado

ANN-Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan  Jaamcadda Columbia University oo ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday in ubadka waalidiintood garacaan amma gacanta u qadaan ay noqdaan qaar dhaqanka iyo dabeecaduba ka xumadaan.child

Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in ubadka 5 jirka lagu garaaco ay noqdaan qaar sharciyada dalka u yaal jebiya oo inta badan noqda kuwo dadka ku gefa oo aad u dabeecad xumaada.

“Ubadku waxay la qabsadaan garaacista, aakhirkana iyaga noqda qaar gardaroolayaal ah oo dhaqanka iyo dabeecaduba ka xumaato,” ayuu yidhi Micheal Mackenziea oo ka tirsan khubaradan.

Khubaradan waxay isticmaaleen macluumaad ay ka heleen cilmi-baadhis qoto dheer oo laga qaaday shacabka Maraykanka intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, waxaana warbixinta cusub ee daraasadan ka muuqday 1,900 (kun iyo sagaal boqol) oo carruura oo cilmi-baadhista laga qaaday.

Waxa kale oo cilmi-badhayaashu xog-ururin ka qaadeen waalidiinta ubadkoodu u dhaxeeyaan shan ilaa saddex sanno, kuwaasoo la waydiiyey sida ay inta badan ula dhaqmaan ubadkoodu markay khalad ku dhacaan.

Natiijada soo baxday waxay noqotay in ubadku noqdaan qaar dhaqan xun oo loo maaro waayo dabeecadooda haddii lagu badiyo intay yar yihiin garaacista.