Hargaysa-(AN)-:Guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, ayaa ugu baaqay guddiyadda nabadgeliyadda ee degmooyinka caasimadda in ay warbixino ka keenaan baahiyaha xafiisyadooda ee la xidhiidha dardar gelinta hawlahooda shaqo.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saareen guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, kaasi oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (caga-yare), oo nuqulo ka mid ah qoraalkaasi warbaahinta u qaybiyay maanta.
Qoraalkaasi ay soo saareen guddida nabad geliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, ayaa lagu sheegay in ay kormeer ku soo mari doonaan xafiisyadda iyo goobaha shaqo ee ay ka hawl-galaan guddiyada nabadgeliyadda xaafadaha degmooyinka, waxaanay sheegeen in ay kormeerkaasi ay u jeedadiisu tahay mid ay ugu kuur gelayaan xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin xarumahaasi.
Waxaanay tilmaameen in ay sidoo kale kormeerkaasi xog waraysiyo kula yeelan doonaan guddiyadda nabad geliyadda ee xaafadaha kala duwan ee caasimadda, isla markaana ay kormeer ku soo mari doonaan xafiisyaadaasi maalmaha Sabtida, Axada, Isniinta iyo Salaasadda ee todobaadka soo socda.
Iyada oo dhinaca kalena ay guddidu fareen guddiyadda nabadgeliyadda ee xaafadaha degmooyinka caasimadda in ay ilaaliyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka, isla markaana ay wakhtiga dhawraan.
Qoraalkaasi ay soo saareen guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:
Ku: Gudidda Nabad Geliyadda Degmooyinka Caasimadda Hargaysa
U JEEDO: LA SOCODSIIN
Muddaneyaal.
Sida aad la socotaan waxaa jira, guddiyadda nabadgeliyadda ee golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa in uu u xil ka saaran yahay guud ahaan nabadgeliyadda caasimadda, sidaasi daraadeed anniga oo ka duulaya arrintaasi iyo wada shaqaynta inaga dhaxaysa waxaan idinka codsanaynaa in aad warbixin ka keentaan xafiisyadiina qoraalna aad ku keentaan baahiyaha aad u qabtaan hawlihiina shaqo ee dardar gelinaya hawl-maalmeedkiina.
Waxa kale oo jirta in ay lagama maarmaan tahay in aan idiinku nimaadno xafiisyadiina iyo goobihiina shaqo, si aanu u ogaano xaaladiina nabadgeliyo halka ay marayso. Taasi oo aanu idiinku iman doono maalmaha kala ah:
1: Sabtida: Gacab Libaax 8:00AM ilaa 9:45Am. A/M/haaruun 10:00am ilaa 11:45Am
2: Axada: 26-ka June 8:00Am ilaa 9: 45Am. Ibraahim Koodbuur 10:00Am ilaa 11:45 Am
3: Isniin: A/Dhagax 8:00Am ilaa 9:45 Am 31-ka May 10:00Am ilaa 11:45 Am
4: Salaasa: M/ Haybe 8:00Am ilaa 9:45 Am M/ Mooge: 10:00 Am ilaa 11:45 Am
Sidaas daraadeed waxaan idinka codsanaynaa in aad wakhtiga dhawrtaan, wada shaqaynta inaga dhaxaysana adkaysaan.
ALLAA MAHAD LEH
Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare).
Guddoomiyaha Guddida Nabadgeliyadda Golaha Deegaanka caasimadda Hargaysa.