Guddida Nabadgelyada Golaha Deegaanka caasimadda oo farriin u diray Guddiyada Degmooyinka

Hargaysa-(AN)-:Guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, ayaa ugu baaqay guddiyadda nabadgeliyadda ee degmooyinka caasimadda in ay warbixino ka keenaan baahiyaha xafiisyadooda ee la xidhiidha dardar gelinta hawlahooda shaqo.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saareen guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, kaasi oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (caga-yare), oo nuqulo ka mid ah qoraalkaasi warbaahinta u qaybiyay maanta.

Qoraalkaasi ay soo  saareen guddida nabad geliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, ayaa lagu sheegay in ay kormeer ku soo mari doonaan xafiisyadda iyo goobaha shaqo ee ay ka hawl-galaan guddiyada nabadgeliyadda  xaafadaha degmooyinka, waxaanay sheegeen in ay kormeerkaasi  ay u jeedadiisu tahay mid ay ugu kuur gelayaan  xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin xarumahaasi.

Waxaanay tilmaameen  in ay sidoo kale kormeerkaasi xog waraysiyo kula yeelan doonaan  guddiyadda nabad geliyadda ee xaafadaha kala duwan ee caasimadda, isla markaana ay kormeer ku soo mari doonaan xafiisyaadaasi maalmaha Sabtida, Axada, Isniinta iyo Salaasadda ee todobaadka soo socda.

Iyada oo dhinaca kalena ay guddidu fareen guddiyadda nabadgeliyadda ee xaafadaha degmooyinka caasimadda in ay  ilaaliyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka, isla markaana ay wakhtiga dhawraan.

Qoraalkaasi ay soo saareen guddida nabadgeliyadda golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

 

Ku: Gudidda Nabad Geliyadda Degmooyinka  Caasimadda Hargaysa

U JEEDO: LA SOCODSIIN

Muddaneyaal.

Sida aad la socotaan waxaa jira, guddiyadda nabadgeliyadda ee golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa in uu u xil ka saaran yahay guud ahaan nabadgeliyadda caasimadda, sidaasi daraadeed  anniga oo ka duulaya arrintaasi iyo wada shaqaynta inaga dhaxaysa  waxaan idinka codsanaynaa in aad warbixin ka keentaan xafiisyadiina  qoraalna aad ku keentaan baahiyaha aad u qabtaan hawlihiina shaqo ee dardar gelinaya hawl-maalmeedkiina.

Waxa kale oo jirta in ay lagama maarmaan tahay in aan idiinku nimaadno xafiisyadiina iyo goobihiina shaqo, si aanu u ogaano  xaaladiina nabadgeliyo halka ay marayso. Taasi oo aanu idiinku iman doono maalmaha kala ah:

1: Sabtida:  Gacab Libaax 8:00AM ilaa 9:45Am.  A/M/haaruun 10:00am ilaa 11:45Am

2: Axada:  26-ka June  8:00Am ilaa 9: 45Am.      Ibraahim Koodbuur 10:00Am ilaa 11:45 Am

3: Isniin:  A/Dhagax 8:00Am ilaa 9:45 Am              31-ka May         10:00Am ilaa 11:45 Am

4: Salaasa:  M/ Haybe 8:00Am ilaa 9:45 Am         M/ Mooge:     10:00 Am ilaa 11:45 Am

 

Sidaas daraadeed waxaan idinka codsanaynaa in aad wakhtiga dhawrtaan, wada shaqaynta inaga dhaxaysana adkaysaan.

ALLAA MAHAD  LEH

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare).

Guddoomiyaha Guddida Nabadgeliyadda Golaha Deegaanka  caasimadda Hargaysa.