Taliyihii fallaagada M23 ee Koongo oo is dhiibay

Kongo(Aftahannews):- Taliyihii ciidanka fallaagada M23 ee dalka Koongo ayaa isu dhiibay dowladda Ugaandha,

131107120004_makenga_sultan_304x171_bbc_nocredit

131010220229_democratic_republic_of_congo_464x261_getty_nocredit

 

Waxaa la sheegayaa in Sultaan Makenge ay la socdeen boqolaal ka tirsan dagaallamayaasha ururka M23, sida ay sheegeen ilo wareedyo BBC-du la hadashay. Dowladda Ugaandha iyo tan Koongo labaduba ma xaqiijinin warkan.

Dhowr maalmood ka hor, kooxda M23 waxay sheegtay inay soo afjarayso fallaagonimada ay wadday muddo dhowr sano ah. Ugaandha ayaa martigelisay wadahadallada u dheexeyay dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo iyo fallaagada M23.

Kooxda M23 ayaa dagaal culus kula jirtay ciidammada dowladda Koongo tan iyo billawgii 2012-ka xilligaas oo la aasaasay. Hogaamiyaha siyaasadeed ee M23 ayaa horey u sheegay in kooxdiisu ay u leexan doonto dhanka siyaasadda.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.