Ururka Shaqaalaha Hudheellada oo la kulmay Guddida Arrimaha Bulshadda Golaha Deegaanka Hargeysa

“Shaqaalaha Hudheelada Waxaan Ugu Baaqaya Inay Caafimaadkooda Baadhaan Iskana Soo Diiwaangeliyaan Xafiiska Guud Ee Ururka Barkhad….” Guddoomiyaha Shaqaalaha Hudheellada

Hargaysa(Aftahannews): Ururuka Shaqaalaha Hudheelada Somaliland ee BARKHAD, ayaa manta  kulan la yeeshay Guddida arrimaha Bulshada ee golaha deegaanka caasimadda   Hargeysa, kaasi oo ay kaga wada hadlayeen sidii  loo sugi lahaa ama loo baadhi lahaa Caafimaadka Shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeeya Hudheelada.

AFTAHANNEWS1111

AFTAHANNEWS.DD

AFTAHANNEW2222

kulan oo ay goob joog ka ahayeen Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Hudheelada Somaliland  ee BARKHAD  Bashiir Sheikh Maxamed, Afhayeenka Ururkaasi  Maxamed iImaan Ladane, qaar ka mid ah Guddida fulinta ee Ururkaasi , Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo Agaasimaha arimaha Bulshada ee Dawladda hoose Hargeysa  KhadarYuusuf.

Guddoomiyaha Ururka shaqaalha Hudheeladda ee Barkhad Bashiir  Sheikh Maxamed Cabdiraxmaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa baaq u diray dhamaanba  shaqaalaha kala duwan ee Hudheelada,  isaga oo ugu baaqaya inay caafimaadkooda baadhaan isla markaana ay iska soo diiwaangeliyaan  xafiisyada kala duwan ee Ururkoodu u leeyahay Gobolada dalka, waxaanu yidhi “Halkan Maanta waxaan goob joog ah afartankii Shaqaale ee ugu horeeyey ee sida tooska ah loo baadhay Caafimaadkooda , waxaana shaqaalaha kala duwan ee Hudheelada ugu baaqaya inay iyana si toos ah iskaga Caafimaadkooda u baadhan, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Waxaan Shaqaalaha Hudheelada Somaliland ee kala duwan ugu baaqaya inay si toos ah Caafimaadkooda u baadhan, isla markaana Xafiisyada Diiwaangelinta ee Uruurka Barkhad iska soo diiwaangeliyaan, hadda Afartankii Shaqaale ee ugu horeeyey ayaa iska baadhay, sababta Caafimaadka Shaqaalaha Hudheelada loo baadhaya waa in la badbaadiya Bulsho weynta reer Somalilannd oo dhan”.

Dhinaca kale Afhayeenka Ururka Barkhad Maxamed iImaan Ladane,oo isna halkaas ka hadlay ayaa dardaraan iyo dhiirigelin u diray Shaqaale weynaha Ururka Hudheelada ee Barkhad, waxaanu xusay in loo baahan yahay in si daacadnimo ku dheehan tahay in Shaqaaluhu Caafimaadkooda u baadhan, waxaanu sheegay inay arintaas kala shaqeyn doonan Dawladda hoose Hargeysa, gaar ahaan Guddida Arimaha Bulshada, waxaanu yidhi  “Waa muhiim in Caafimaadka Shaqaalaha Hudheelada si wada jir ah loo baadha, arintana waa mid cid walba dan u ah, maxa yeelay Bulshada inta ugu badan ayaa ku xidhan, marka in Caafimaadkooda aanu ilaalino ayaa anaga nagu waajib ah, dhinaca kale Shaqaalaha reer Somaliland kaadhkoodu waxa uu noqonaya Casaan, halka Shaqaalah Ajaanibka ah uu Kaadhkoodu ka noqonayo Huruud, qof walba oo la baadhana waxa la siinaya kaadh Aqoonsiya oo lagu ogaado in la baadhay iyo in kale”.

Waxa iyana halkaas ka hadlay Guddida Arrimaha Bulshadda  Dawladda hoose Hargeysa oo sheegay inay arintan aad iyo aad u soo dhaweynayaan,   isla markaana ay kaalintooda ka qaadan doonaan hawshan lagu baadhayo caafimaaka shaqaalaha hudheeladda guud ahanba dalka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.