Sacuudiga oo maal-geshaday Hubka Nukliyeerka ah ee Pakistan

Riyadh(Aftahannews):- Dowladda Sacuudi Carabiya, ayaa maal-geshatay Hubka Nukliyeerka ee Pakistan, oo ay Hub ka soo qaadan karto xilliga ay doonto.

090505015659_pakistan_nuclear_466

121126150728_king_abdullah_of_saudi_304x171_reuters_nocredit

Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay tartan kula jirto Iran oo iyaduna lagu eedeynayo inay doonayso inay hubka Nukliyeerka samaysato, sida ay sheegeen dhowr ilo wareedyo oo la hadlay barnaamijka BBC-da ee Newsnight.

Waxaa laga yaabaa in Sacuudiga ay hubka Nukliyeerka ka hor heli karaan dowladda Iraan, oo haatan waddo barnaamij Nukliyar ah. Muddo bil ka hor ayaa Amos Yadlin, oo horey madax uga ahaan jiray sirdoonka Isra’iil waxaa uu sheegay, in haddii Iraan ay samaysato hubka Nukliyarka ay Sacuudiguna ka heli karaan Pakistan.

Waxaa uu sheegay in qarashka hubka Nukliyarka Pakistan ay Sacuudigu wax ka bixiyeen. Pakistan ayaa ah dalka Muslim-ka ee kaliye ee haysta hubka Nukliyarka. Sheekada ah in Sacuudigu ay doonayaan in hubka Nukliyeerka ay helaan waxay u noqonaysaa toboneeya sano.

Sacuudigu waxay soo iibsadeen gantaallo lagu qaadi madaxa hubka Nukliyeerka. Dhowr toddobaad ka hor ayaa Wargeys ka hadlo arrimhaa difaaca waxaa uu qoray in Sacuudigu soo gabagabeeyeen goob laga hago gantaallo ku wajahan Iraan iyo Isra’iil.

Sacuudiga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay lacago tiro badan ku bixiyeen barnaamijka Nukliyarka ee Pakistan.

Aftahannanews.com

Hargeysa/Somaliland.