Maraykanka: Maxkamad 23 sano oo Xabsi ah ku xukuntay Wiil dilay 5-jir Soomaali ah

Tesex(Aftahannews):- Wiil 14 jir caddaan ah oo u dhashay Maraykanka ayaa dilay ilmo 5 sano jir ah oo u dhashay Soomaaliya isagoo dilkiisana u isticmaalay bilyaardi uu madaxa kaga garaacay.

Arrinkan oo la yaab ku noqotay Soomaalida ku nool waddanka Maraykanka ayaa maxkamad ku taal waddankaasi ay 23 sano oo xabsi ah ku xukuntay wiilkii dilka gaystay.

120113elpaso_lg

Dacwad soo oogaha ayaa sheegay in Siciid Cismaan oo 5 sano jir ahaa madaxa looga gaaracay bilyaardiga adag ilaa madaxiisu uu burburay.

Wiilka dilka gaystay ayaa isku dayay in bilyaardiga uu ka nadiifiyo farahiisa si aysan ugu soo bixin baarayaasha kuna tuuray beer ay dariska leeyihiin sida uu sheegay dacwad soo oogaha maxkamada.

Maxkamadda ayaa qarisay magaca wiilka dilka gaystay maadaama uusan wali qaan gaarin.

Qoyska wiilka la dilay ee Soomaaliga ah ayaa kasoo cararay dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka taagnaa ka hor inta aysan dagin waqooyiga gobolka Texas ee waddanka Maraykanka.

Hooyada wiilka la dilay dhashay oo maxkamada joogtay ayaa waydiisay dadkii meesha isugu yimid sababta loo dilay ilmo shan sano jir ah oo aan wax dambi galabsan.

Wiilkii dilka gaystay oo ay ilmadu ka qubanayso ayaa qirtay dambigiisa isagoo sheegay inuu aad uga xunyahay falka uu sameeyay.

Dilka ilmo yar oo 5 sano jir ah ayaa cabsi ku abuuray qoysaska Soomaalida ah ee ku nool waddanka Maraykanka gaar ahaanna gobolka Texas ee uu dilku ka dhacay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.