Xog lagu ogaaday baadhis lagu sameeyey Meydka Lafihii Yaasin Carafaad

Hargeysa(Aftahannews):- Baadhis Seyntifik ah oo lagu sameeyay Samballo laga soo qaaday Meydka hoggaamiyihii geeriyooday ee Falastiiniyiinta Yasser Arafat, ayaa laga helay maadada Radio Actifka oo heerkeedu sareeyo, sida ay sheegtay warbaahinta iyo xaaskii uu ka geeriyooday.

0DD8962E-A6DD-47DC-ABDF-BA2FB6F5AC79_w443_r1_cy6

Warbixin ka koobanta 108 bog oo ay soo saareen seynisyahanno u dhashay dalka Sweden oo ka howlgala jaamacadda Lausanne, oo ay uu helay Telefishinka Al-jazeera, lana tusay shirkado kale oo warbaahineed, ayaa laga ogaaday in xadi aan caadi aheyn oo maadadaasi halista ah laga helay shacaano laga soo qaaday feeraha iyo gumaarka meydkii carafaad, iyo ciidda halkii uu yaalay meydkiisa.

Haweeneyda uu ka dhintay Carafaad , oo la yirahdo Suha, ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters arbacadii shalay – in waxa la ogaaday uu yahay dambi dhab ah oo lagu dilay ninkeedii – waxey sheegtay in dhimashada seygeeda ee sanadkii 2004tii uu ahaa shirqool siyaasadeed.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.