Daah-furka Tartanka Saxaafadeedka Sannadka 2013 Somaliland oo Ururka SOLJA Shaaciyey

Hargaysa(Aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo saaray qoraal wargelin ah oo uu ku wargelinayo Suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlgala Somaliland, inay ka qayb-galaan tartanka abaal-marinta Suxufiyiinta Somaliland ee sannadka 2013 oo ay kala qaybqaadanayaan dhawr Hay’adood oo kala duwani.

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo qaybaha Warbaahinta loo kala diray, ayaa lagu faahfaahiyey ujeeddada tartanka iyo Hay’adaha kala qaybqaadanaya SOLJA. Waxaanu War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) waxaa ay ku casumayaan warfidiyeenka Somaliland in ay soo dalbadaan oo ay soo gudbiyaan araajida ka qaybgalka abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013 taas oo lagu xoojinyao arrimaha la xiriira horumarinta iyo bini’aadaminada dalka. Abaalmarinta waxaa taageeraya hay’adaha UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO.

Abaalmarinta Warbaahinta waxaa lagu qiimeeyaa oo laguna aqoonsadaa shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta. Abaalmarintani waxaa ujeeddadeedu tahay in lagu aqoonsado dadaalka suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha. Abaalmarintan waxaa la siinayaa suxufiyiinta Somaliland ee Afsoomaaliga ku shaqeeya ama wax ku tabiya taas oo looga dan leeyahay in la dhiirri geliyo mihnad warbaahin oo xooggan, firfircoon, mas’uulna ah oo waxtar u leh Shacabka Somaliland .

Xiriiriyaha Gargaarka ee Hay’adaha Qaramada Midoobay, Philippe Lazzarini, waxaa uu yiri “ warbaahin xor ah oo xirfadyahan ah waxaa ay asaas u tahay horumarka. Marka ay jiraan suxufiyiin si wacan u tababaran oo maskax-maal ah oo bixiya xog lagama maarmaan ah iyo aqoon,  ayaa muwaadiniinta Somaliland ay awoodi karaan in ay u halgamaan horumar dhaqaale, isla-xisaabtan iyo hufnaan (transparency). Abaalmarinta Warbahainta Somaliland waxaa lagu sharfaa tayo-wanaagga mihnadeed, waxaana lagu aqoonsadaa dadaalka suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.