Muqdisho: Qodobbada ka soo baxay Shirkii Jubbooyinka oo lagu heshiiyay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamud ayaa si rasmi ah maanta u soo xirey wejigii 1aad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha gobollada Jubbooyinka ee ka socdey magaalada Muqdisho.
130912132939_ahmed_madoobe_304x171_bbc_nocredit

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 200 oo ergo ayaa beelahay waxay kaga doodayeen sidii nabad waarta looga dhalin lahaa gobollada Jubbooyinka , qarameynta maliishiyaad beeleedka iyo  qaabka maamul loo wada dhan yahay loogu sameyn lahaa goboladaasi.

Wufuud caalami ah, ayaa iyaguna ka qeybgaley xafladda xiritaanka shirka. Magaalada Muqdisho waxaa warbixintan ka soo direy weriyaha VOA Hassan Kafi Abdirahman Qoyste. si aad warbixintaas oo cod ah u dhagaysato guji dhibcda madaw ee xagga hoose horteeda.