Nin Soomaali ah oo laga raadinayo Britain

London(Aftahannews):- Booliiska Britain, ayaa Guddi u saaray in la raadiyo nin Soomaali ah oo ay sheegeen inuu ka baxsaday ilaalada laamaha ammaanka.

131104164109_mohammed_ahmed_mohamed_304x171_pa_nocredit

Guddigan waxaa uu ka kooban yahay laamaha ciidammada nabadsugidda ee kala duwan ee Britain. Waxaa hoggaaminayo qeybta la dagaalanka argegixisada ee dalka Britain.

Maxamad Axmed Maxamad ayaa la sheegay inuu xiriir la leeyahay ururka Al Shabaab ee dalka Soomaaliya. Maxamad ayaa masaajidka galay isagoo xiran lebiska ragga kana soo baxay isagoo ku lebisan dharka dumarka.

Waxaa dabagal ballaaran ku hayay boliiska Britain, laakin waxaa uu ka baxsaday ilaalada kaddib markii uu galay masaajid isagoo xiran lebis rageed, uuna ka soo baxay isagoo ku lebisan dharka dumarka.

Guddigan waxaa caawinayo sirdoonka Britain ee M.I.5 iyo welibo ciidanka ilaalada xuduudda. Maxamad ayaa la sheegay inuu yahay ninka uu halista badan dadka baxsadka ah ee la raadinayo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.