Wefti ka socda Baarlamaanka Kenya oo booqasho ku yimi Hargeysa, kulanna la yeeshay Madaxda dalka

Hargeysa(Aftahannews):- Wefti Xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dawladda Kenya, ayaa maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Baarlamaanka Somaliland ka tirsan iyo xubno kale.

1111

33

Weftigan ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qaabbilay qasriga Madaxtooyada, waxaanay Weftigan Xildhibaannada ah ee Kenya ka socdaa ka warrameen ujeeddada socdaalka ay ku yimaaddeen dalka Somaliland oo ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaaddeen Hargeysa.

 

Halkan Hoose ka dhagayso Codka Masuuliyiinta Somaliland iyo Weftiga Kenyanka ah ee Somaliland booqashada ku yimi.

http://www.sendspace.com/file/84zshy

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.