Guddoomiyaha UCID oo umbo-baxay Turkiga oo uu kula kulmi doono Hoggaamiye-Diimeedyada Dalkaas

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay safar ugu kicitimay waddanka Turkiga oo la sheegay inuu kaga qaybgeli doono shir caalami ah oo lagu marti-qaaday, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmi doono Hoggaamiye-Diimeedyada Turkiga sida uu sheegay Xoghayaha Saxaafadda ee UCID Yuusuf Kayse.

feysal

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelaka UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay u dhoofay Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul, halkaasoo taariikhdu markey tahey 11/11/2013 uu kaga qeybgali doono shir caalami ah oo lagu marti-qaaday. Shirkaas oo la sheegay inuu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana lagaga hadli doono waxyaabo ay ka mid yihiin nabadgelyada, dhaqaalaha, horumarka, shaqo la’aanta iyo horumarinta dimuquraaddiyadda.

Sida uu sheegay Xoghayaha Saxaafadd ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo warbaahinta la hadlay shalay. “Guddoomiyaha Xisbiga caddaaladda iyo daryeelaka UCID Faysal Cali Waraabe, waxa uu maanta (shalay) socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Turkiga, waxa uu sii marayaa  dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku hakan doono muddo afar maalmood ah, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga xog-warrami doono xaaladda guud ee dalku haatan marayo sida nabadgelyada, siyaasadda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Waxaanu Guddoomiyuhu  Saakaba (shalay) ka ambabaxay magaalada Hargeysa.” Sidaa ayuu yidhi Yuusuf.

Waxaanu intaa sii raaciyey oo uu yidhi; “Waxaanu Guddoomiyuhu halkaasi uga sii gudbi doona dalka Turkiga oo uu kaga qeybgalayo shir caalami ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Xisbiyada Hanti-wadaagga ee caalamka Socialist International. Shirkaas waxa ka soo qeybgalaya dhammaan Xisbiyada Socialka ee waddammadda caalamka. Waana shir sannadle ah oo lagaga hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta Xisbiyada Socialka (Bulshada) caalamka, Horumarka Bulshooyinka iyo Dimuraadiyadda.”

Yuusuf Kayse waxa uu sheegay in inta uu Guddoomiyuhu ku suganyahay dalka Turkiga uu la kulmi doono Hoggaamiye Diimeedyada dalka Turkiga, Xisbiyada Turkiga, Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku sugan waddanka Turkiga.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.