Minnesota: Soomaali Ku Guulaystay Doorashada Golaha Deegaanka

Minnesota(Aftahannews):- Cabdi Warsame oo ah mid ka mid ah Soomaalidii ka tartamaysay doorashooyinka gobolka Minnesota, ayaa ku guuleystay xilka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, gaar ahaan degmada 6aad.

 Abdi Warsame

Waxaa degmada 6.aad ee uu ku guulaystay ka socda debaal degyo lagu soo dhawaynayo guudha uu ka soo hooyay wiilka Soomaaliga ahi doorashada golaha deegaanka ee magaaladda Minneapolis taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan magaaladaasi oo ay ku tilmaameen doorasho taariikhi ah oo  u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaanay dadka Soomaalida ah eek u nool magaaladda Minneapolis ay tilmaameen in guusha Cabdi Warsame ay wax weyn ka tari doonto dhibaatooyin adan oo ay qabeen dadka Soomaaliyeed isla markaana ay kala kulmi jireen maamulka degmadda.

Mr. Warsame ayaa ka guuleystay Robert Liligram oo xilkaas soo hayey 12kii sano ee u dambeeyey

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland