Soomaaliya Oo Soo Dhawaysey Go’aanka Maxkamadda Ingiriisku Ka Soo Saartay Dacwadda Dahabshiil Ee Barclays Bank Iyo Somaliland Oo Aan Ka Hadal

Muqdisho(Aftahannews):- Ra’ysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay gaadhay Maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasoo lagu go’aamiyay in Bangiga Barclays uu sii wado adeegga uu u hayay Xawaaladaha Soomaalida oo ay aad ugu tiirsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed.

Shirkadda_Dahabshiil_&_Barclays_Bank

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Somaliland, ayaa lagu taageeray go’aanka Maxkamadda magaalada London ee xarunta dalka Ingiriisku shalay ka soo saartay sii shaqaynta Xawaaladaha Soomaalida oo ay Dahabshiil ugu horreyso.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda sare ee dawladda Britain, waana mid farxad geliyay Malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka walaacsanaa in ay waayaan lacagaha ay eheladooda uga soo diraan dalka dibeddiisa.” Sidaa ayuu yidhi Ra’ysal-wasaaraha Soomaaliya oo markii go’aankaas Maxkamaddu soo baxay shalay ka dib ka hadlay.

Waxaanu Raysal-wasaare Saacid xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aaddan sii wadista adeegyada Xawaaladaha Soomaalida. “Waa in dawladda, maamulayaasha xawaaladdaha iyo madaxda Bankiga ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ku qanacsan yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Saacid.

Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda Dahabshiil, ayaa dedaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyey sidii loo hakin lahaa go’aanka Baanka Barclays uu ku joojinayo Xisaabaha lacagaha la sii marsiiyo ee Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, waxaana go’aanka Maxkamadda uu ka tarjumayaa midhaha dedaalkii Madaxda dawladda iyo Shirkadaha Xawaaladaha.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaan iyadu ka hadal go’aanka Maxkamadda Ingiriisku ka soo saartay dacwadda u dhaxaysay Baanka Barclays oo ay Maxkamaddu ku go’aamisay inaanu Barclays Bank joojin karin Xawilaadda lacagaha ay dirto shirkadda Dahabshiil, isla markaana aanu xayiri karin Akoon-xisaabeedyada ay Shirkaddda Dahabshiil ku leedahay Baankaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.