Ma Gilgilo Duqaytida Ninkii Aw Kasoo go’aye! Daawo Fadeexadda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Qalinkii: Xamse Axmed Cali Wacays(Daawo Kibirkan)

Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon, kibis u laabneyne

Nin intuu kashbacay oo dhargoo, kaman wan weyn yeeshay

AYuu duul karaamiyo colba leh, kiish ka buuxsadaye

Ka shib dhaha Islaamow naftii, kii ladnaa gadaye.

xamse-225x300

Sida aynu la socono ama aynu wada ogsoonahay guud ahaanteen waxa dhaca malin walba dhacdooyin kala duwan oo dadka saamayn ku yeesha haday noqoto farxad,murugo iyo wixii la mida,arinta aan qalinka u qatay ee aan idiin wada waa arin dad badan samayn ku yeelan doonta,isla markaana dad badan is weydin doonan sualo badan oo ah isla arintan,,sualihiina hadii aan mid iyo laba idinka tabto oon idiinka horeeyo waxa ka mida maxaa u geeyey isku itaalba maahee?,hadaba hadii aan hoos u daadago sida idiinka muuqata Clib kan yar/VEDIO waa Maareyaha Guud ee Tvga qaranka khadar ali Gaas Iyo agaasimaha farsamada ee wasarada warfaafinta ee somaliland Ahmed saleebaan weyno Goobta ay ku sugan waa goob taariikh weyn ku leh guud ahaan dalkan somaliland,siiba meelaha taariikhda qadiimiga ah leh weeye waa Goob ay ku duugan yihiin tarikho badan waana Laas geel.

waxa ka muuqda cilbkan yar nin ay ka muuqato diifi kana da’wayn isla markaana aad ka dareemayso in uu yahay nin ka mida dadka deegaankaa ka ag dhaw isla markaana xidhan macawis iyo shaadh waa nin jismi ahaan quwad badan lahayn,una baahnaa garab qabasho iyo taakuleyn ee nin karayey Tacadi iyo Dibiro dhacsi kamuu taag lahey laakiin caqliga bini aadamku waa kala duwan yahay ama kala gadisan yahay qofba intuu cunuu ciidamiya ayey somalidu tidha,miskiin kan yar ee kor aan ku soo sheegnay sifihiisa waxa si xun oo arxan daro ah u galaya Agaasimaha farsamada ee wasarada warfaafinta Ahmed Saleeeban weyne isagoo waliba intaas oo dhawr lagdin miskiinka yar dhulka dhigaya,,kaga daran isaga caqligiisii ayaa sidaas noqday waxa ayaan daro ah in Mareeyaha guud ee tvga qaranka khadar ali gaasna uu sacabka u tumayo kuna faraxsanyey hagardaamada miskiin kaa yar ee marba uu ahmed lagdaayo,,Hadaba is weydiintu waxay tahay maxa u geyey isku quwadba maahee,hadii si kooban aan uga jawaabo waa dharaga ay ka qaadeen hantida umada baahan.

Waxay kala yihiin:

Agaasimaa farsamada Axmed Saleebaan wayne

Maareeyaha tvga Khadar Cali gaas iyo ku xigeenkiisa

Abshir Xasan Mataan

iyo shaqaale kale.

Qalinkii: Xamse Axmed Cali Wacays.

Fadeexaddaas oo Muuqaal ah halkan ka daawo, adaa yaabiye!