Manchester City Oo Markii Ugu Horraysay U Soo Gudubtay Wareegga 16-ka ee Champions League

Hargeysa(Aftahannews):- Kooxda Manchester City, ayaa kulankii caawa markii ugu horraysay ugu soo gudubtay wareegga 16-ka ee horyaalka kooxaha Yurub ka dib   markii ay 5-2 kaga talaabsadeen kooxda CSKA Moscow oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.

mun

Sergio Aguero ayaa dhaliyay laba gool oo midi uu rigoore ahaa, halka Alvaro Negredo uu City u dhaliyay seddexlay  iyadoo CSKA Moskva uu laba gool u saxeexay Seydou Doumbia oo midi ay rigoore aheyd.

Waxaanay natiijadani ka dhigeysaa in City ay u soo baxdo wareega 16ka ee Champions League markii ugu horeysay waligeed, waxaana iyadoo soo bandhigtay ciyaar aad u heer sarraysa oo ay ugu qalmaysay inay guushu ku raacdo.

City ayaa leh 9 dhibcood, halka CSKA Moscow ay leedahay 3 dhibcood islamarkaana farqiga goolasha aad looga badan yahay.

Aftannews.com

Hargeysa/Somaliland.