Somaliland iyo Ingiriiska Oo Ka Wada Hadlay Hirgalinta Mashruuc Aanay Caddayn Wuxuu Yahay

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska, ayaa ka wada hadlay mashruuc laga hirgalinayo Somaliland oo ay Dawladda Ingiriisku maal galinayso oo aan la shaacin waxa uu yahay iyo qaabka loo hirgalinayo midna.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo kuxigeenka safiirka  dalka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr Chris Allan oo kulan ku yeeshay Madaxtiiyadda Somaliland oo uu safiir kuxigeenku safar ku yimi,ayaa kulanka waxaa lagaga wada hadalay hirgalinta mashruuc laga bilaabi doono Somaliland oo aan hore noociisu uga fulin dalka Somaliland,kaasoo ay maal galinayso dawladda dalka Ingiriisku isla markaana loo maamuli doono sida ay Xukuumadda Somaliland u qorshayso.

Kulanka Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhex maray safiir kuxigeenka Ingiriiska  u fadhiya dalka Itoobiya iyo Madaxwaynaha Somaliland ka dib waxaa warbaahinta wada jir ula hadlay safiir kuxigeenka Ingiriiska .Mr Chris Allan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashi Caalamigaha ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Ugu horrayn Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlayay waxyaabaha ay ka wada hadleen Somaliland iyo ingirisku ayaa yidhi:

“Waxa beryahan dambe soo baxayay hadallo aan xaqiiq ahayn oo sheegayay in xidhiidhka Somaliland iyo Inigiriisku uu sidii hore ka khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid aan jirin”

Waxaanu intaa ku daray Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar

“Britain waa dalka mucaawimada ugu badan siiya Somaliland, waxaanan la leenahay dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba xidhiidh soo jireen ah oo ah wax wada qabsi si isku dheeli-tiran ay labada dal u shaqeeyaan,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “imikana booqashadiisa iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynuhu waxay la xidhiidhaa sii kobcinta xidhiidhka labada dal,
Britain waa saaxiibadda ugu dhow dhow ee ay Somaliland ku leedahay adduunka reer galbeedka, waxaanan rajaynaynaa inuu xidhiidhkaasi sii kardho,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashigu. Waxaanu intaas ku ladhay “

Wasiir ka Ganacsiga Somaliland ayaa intaa raaciyay

 “Waa dalka ugu badan ee amniga iyo dhaqaalaha kala shaqeeya Somaliland, imikana waxay nagala shaqaynayaan dhinacyo cusub,”

Safiir kuxigeenka Ingiriiska  Mr Chris Allan  oo isna shirkaa jaraa,id ka hadlay ayaa ugu horrayn Shicibka Somaliland ku hambalyeeyay bilashada Sanadka cusub ee Islaamka isla markaana ka mahad naqay kulanka uu la yeeshay Madaxwayne Siilaanyo iyo qaar ka mid ah golaha Wasiiradda Somaliland oo ku wehelinayay kulanka Madaxweyne Siilaanyo..

“Shacabka Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa dhalashada sanndka cusub ee Islaamka,waxaan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Somaliland, run ahaan waxaa ka go,an boqortooyadda Ingiriiska sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimadda aannu la leenahay Soaliland,waxaa naga go,an inaanu Somaliland kala shaqaynno dhinacyada horumarka iyo nabad gelyda”

Mr Chris Allan oo hadakiisa sii wata ayaa intaa ku daray.

“waxaannu si fiican uga wada haddalay Madaxwaynaha Somaliland inaanu ka wada shaqaynno dhinacyada horumarka iyo nabad gelyda,waxaa kaloo aannu ka wada hadalay hir galinta mashruuc cusub oo Dawladda Ingiriisku maal galinayso oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah  oo dadka reer Somaliland wax tar fiican oo caawimo ah u yeelan doonna,kaasoo aannu fulin doonno annagoo ka duulaynna qorshaha Qaran ee Somaliland,waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxwayna iyo Wasiiraddiisa isoo dhaweeyay,safarkayganina maaha kii ugu horreeyay ee aan Somaliland ku imaaddo mana noqon doonno kii ugu dambeeyay”

Aftahannews.com

Hargeysa Somalilan