Ha I Weydiin Cashuur Aanad Aqoon Maamulkeedda! Q.3-aad

Aqoonyahan Yuusuf Sooraan….“Arimaha lagu kala saari karo maamulka cashuureed in uu fiican yahay iyo in kale ee dowladnimadu leedahay waxaa ka mid ah miqiyaasyadan:

kow: in aad is bar bar dhigto dakhliga cashureed ee aad heshay sanadkan iyo dakhligii aad odorostay in aad heli doonto dabayaaqada sanadka (the difference between actual and estimated= the lost revenue) haddii markaa uu bato inta la hoos maray dakhligii saadaashu ahayd, maamulkaas cashureed wuu litaa, haddii se rogaalkeedu dhaco maamulkaaga cashureed wuu fiican yahay.

Yuusuf Sooraan

Haddaba, arrinta la yaabka ah ee aad ka arkayso Somaliland maamulkeeda cashureed waxaa weeye in ay masuuliyiinta u qaabilsan cashuuruhu ay mar kasta war baahinta ka sheegaan oo kaliya in ay yidhaahdaan iyaga oo aan sheegayn qiimayn hore, sidoo kalena sheegayn xaddi lacageed oo ay qabteen, ayey ku tiraabaan oo kaliya sanadkan cashuurtii aanu rajaynaynay aad ayay uga saraysaa tii sanadkii hore, laakiin su’aashu waa intee in leeg?… se waxaad ogataa in wax lsku sheegu aanu ahayn ceebse qarintu ceeb thay keeni kartana shaki gala cashuur bixiyayaasha.

Haddii aan tusaale soo qaato sababaynaya arrinta aan kor ku xusay, waxaan ka akhriyay Wargayska Haatuf cadadkisii 3426, Isniin, October 21, 2013 Agaasimaha cashuuraha bariga Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye oo waraysi siiyey wargayska waxaa uu ku sheegay sidan “Wasaarada maaliyadu wax badn bay galisay cashuuraha bariga dakhligeeduna wuu wanaagsan yahay oo waa boqolkiiba boqol, dakhligeedu bilba bisha ka dambaysa ama sanadka ka dambeeya wuu soo kordhayaa waliba waxa uu qorshahaygu yahay inaanu ka sii kordhino dakhligu halka uu maanta taagan yahay” Falanqaynta waxaan uga tagay akhristayaasha muwadiniinta ah iyo kuwa aan muwaadiniinta ahayn ee dalka ku degan sifo sharci ah ee cashuurtu ku waajibtay iyo sidoo kale ardayda jamacahada ku jirta ee aqoon ahaan u akhrisanaysa daah furka qormaddan kooban.

Arinta labaad: tiro intee leeg ayey ka noqonaysaa cashuur bixiyeyaasha aad diiwaan galisay sanadkan marka aad bar-bar dhigto inta kuu qorshaysnayd in aad diiwaan galiso. Arintani Somaliland sheekadaba uguma jirto oo ilaa maanta meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo qalabkii ay haayada IOM bixisay ee ay ugu talo gashay in aynu ku diiwaan galino cashuur bixiyayaasheena, se haddii ay hayaan wasaarada maaliyada waaxaheeda kala duwani maxay la qabanayaan ee ay hawshii loogu talo galay ugu qaban la yihiin, haddii aanay ahayn maamul xumo cashuureed.

Arinta saddexaad: tiro intee leeg oo cashuur la baxsi ama lunsi ah ayaad qabatay sanadkan, akhriste cashuur la baxsi ama lunsi waxaa uu ka dhici karaa cashuur bixiyayaasha iyo masuuliyiinta ku shaqada lehba, sidaas darteed haddii aynu soo qaadano sanadkan 2013 aynu dabayaaqadisii ku jirno waxaynu warbaahinta kala duwan oo dhan ku qornaa in ay masuuliyiinta waaxda cashuuraha bariga iyo hanti dhowraha guud sheegeen in waaxda casshuuraha bariga ee Berbera uu ka dhacay lunsi cashureed oo ay ku kaceen masuuliyiintii u xil saarnaa, laakin arintani wali cadayn, uma hayo sheegi karta in ay masuuliyiintaasi ku kaceen lunsi cashureed oo ay maxkamadi ku cadaysay. Arinta kale ee la yaabka ah markii aan maqlay arintan waxaan is waydiiyey hanti dhowarka guud ama waaxda cashuuraha bariga Somaliland miyey leeyihiin waax cashuuraha baadha (department of Tax Audit) oo soo saari karta lunsiyada cashureed ee dhici kara? Jawaabta ii soo baxday markii aan tagay waxay noqotay in aanay wali dalka Somaaliland u dhisnayn waaxdani, ogowna waa waaxda sheegi karta ama baadhi karta in lunsi cashuureed dhacay iyo in kale, arinta se la yaabka igu noqotay ee iiga soo baxday markii aan baadhayey waaxdan waxaan helay oo aan ogaaday in ay ka jirto xarunta wasaarada maaliyada waax la yidhaa waaxda baadhida iyo kormeerka ee wasaarada maaliyada oo aan xafiis lahayn oo uu masuul ka yahay Shaqaale la yidhaa Khaddar Maxamed Cabdi (Khadar Idho leeb)

Hadaba waxaynu ku soo gabo gabayn lahayn in aynu soo gudbino talooyinka aynu u soo jeedin lahayn in maaamulka iyo maaraynta cashureed ee Somaliland noqto in la sameeyo oo la soo magacaabo Agaasime Guud oo maamula cashuuraha (General Director of Tax administration) oo aqoon u leh maamulka cashuuraha oo ay hoos yimadaan waaxda cashuuraha bariga Somaliland, sidoo kale ay hoos yimadaan marka uu hindiso ee uu dhidibada u taago waaxahan kale ee maamulka cashuuraha ka dhiman ee kale ah waaxda diwaan galinta cashuur bixiyayaasha, oo sida ugu dhakhsaha badana loogu soo celiyo qalabkii ay haayadu bixisay ee ay ku shaqayn lahayd. Sidoo kale la dhiso waaxda barida iyo wacyi galinta cashuur bixiyayaasha, waaxda tabobarka cashuur qaadaha iyo cashuur bixiyayaasha, waaxda baadhida iyo dabo galka cashuur bixiyayaasha, waaxda ambiilka cashuur bixiyayaasha (Taxpayer Appeals Department). Intaas waa in ay bar bar socotaa shaqaalaha oo tayadooda aqooneed oo lagu soo tababaro maxadka hayada shaqaalaha. Waxana laga badalaa saacadaha kooban ee ay shaqaynayaan oo ay galinka dambe ilaa shanta waa in qaranka loo shaqeeyaa waxaa inaga maqan iyo saacadaha aynu shaqaynaynaa isma laha”.

DHAMAAD

Yuusuf Soraan MBA Of Tax And Custom Administrator

Graduate Institute of Tax And Custom Administration

Ethiopian Civil Service University

Email: sooran07@hotmail.com