M23 oo soo af-jartay dagaal ay muddo kula jirtay dawladda Kongo

Kongo(Aftahannews):- Ururka M23 ee ka dagaallama waddanka Kongo, ayaa maanta sheegay inuu joojiyay fallaagonimada saacado kadib markii ay dowladdu ku dhawaaqday guul ay sheegtay inay ka gaadhay dagaalka ay Jabhaddaasi kula jirtay.

131101125430_drc_tank_304x171_afp_nocredit

Hoggaamiyaha Ururkaas Bertrand Bisimwa ayaa ugu baaqey madaxda militeriga ee ururkiisa inay u diyaar garooban inay hubka dhigaan.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqday inay ka guulaysatay fallaagada M23. Dowladda ayaa sheegtay inay qabsatay goobihii ugu dambeyay ee fallaagadu haysteen Bariga dalkaas.

Afhayeen u hadlay dowladda, Lambert Mende, ayaa sheegay in Ciidankii fallagada ay isdhiibeen ama ay xadka Ugaandha ka tallaabeen. Hoggaamiyaha Ururka M23, ayaa ku dhawaaqay inay soo afjarayaan fallaagonimada. Ururka M23, ayaa sheegay inaan laga adkaan, laakin ay go’aansadeen in aanay sii wadin dagaalka.

Koonfur Africa. Madaxweynayaal ka socda gobolka ayaa ku shiraya Koonfur Afrika iyagoo ka hadlayo xal u helidda dhibaatada Kongo. Waxay ugu baaqeen ururka M23 inay joojiyaan kacdoonka ay ka wadaan Bariga dalkaas.

Madaxda dowladaha ku bahoobay harooyinka waaweyn ayaa sheegay in heshiis xabad joojin ah la saxiixi doono muddo shan maalmood gudahood ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.