Xukuumadda Siilaanyo oo uga Digtay Mucaaradka qabashada Shirweyne Qaran

“Madaxweynaha  ayaa Xaq u leh in uu Qabto Shirweyne Qaran, Lakiin Xisbiyada Mucaaridka ahna waxaanu jecelnahay in aanu u yeedhno.” Wasiir Waran-cadde.

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxmaed Warancade  ayaa Sheegay in ka Xukumad ahaan aanay ogelyn in Xisbiyada Mucaaridka ahi Qabtan Shir lagaga hadlayo Siyaasada  Dalka, waxa kale oo uu baaq u diray Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo UCID oo u soo jeediyey in ay Isku Yimadaan Kulan ay kaga wada hadlayaan Arrimahaasi taagan.

P1040795-400x300

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Galabta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Cali Maxamed Warancade oo Arrimhaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxaan runtii jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo hadalo malmahanba soconayay oo Xisbiyadu wadeen  oo ahaa in loo bahanyahay in la qabto shir qaran, runtii Xisbiyadu waxa ay naga mudan yahiin qadarin, waxaase meesha yaala sharci ay umadani dhigatay oo lagaga hortagayo in anaanay iman wax is qabqabsiya ama muran ah, taaso ay tahay inay cid waliba ay ixtiraamto,  haya’daha qarankuna waxaa ay kala leeyahiin awoodo iyo shaqooyin u kala qeexan oo distuuri ah, Haddii la yidhado Shir Qaran ayaa la qabanayaa Cidda kali ah ee Umadani doortay ee Awooda u leh waa madaxweynaha Dalka, oo waliba ah marka ay yimaadan  dhibaatoyin u baahan in laga wadatashado dhammaan Qaranka Somaliland Yar iyo Weynba, taasina alxamduliilaahi dalkeenu waxaa uu ku sugan yahay nabad, waxa dhibaata ah oo jiraana ma jiraan  maanta madama oo an ahay wasiirkii Arimaha gudaha , dhamaan dadku waxaa uu ku soo toosay 99% nabad iyo daganaansho, anuu ma qabo hadayna balaayo kale jirin wax dhibaato ah oo aynu qabnaa oo uu madaxweynahu iskugu yeedho shir qaran, cidkale oo awood u lahin habayaraatee ma jirto axsaabtu haaddii ay wax tabanayaan ama ay warar hayaa, waxba kama qabno  inaan u yeedho oo anu ka wada hadalno,waxii dareen ah ee Jira .”Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu intaasi raaciye” Waxaase reeban in aanay cidina ku xad gudbin  sharciga dalka u yaala, taasina kama filaayo axsaabta maanta joogtaa , qaar waxgarada weeyi ,oo kumana fikiri karaan wax  aan ahayn sharciga dalka u yaala ,waxii kale  ee loo baahan yahay anagu hadaanu nahay dawlada axsaabta qaranka waanu wada hadalnaa,wixii Ray’i ahana way noo soo  Gudbiyaan shirarbaanuna  qaadanaa ,waxa ay xaq u leeyahina waa in xisbi kastaaba uu shir qabsan karo, oo uu Danihiisa iyo mustaqbalkiisa kaga hadli karo kaas oo ay xaq u leeyahiin, dawlada iyo madaxweynaha qarankuna isaga ayaa xaq u leh inuu u yeedho shir-weyne qaran hadii loo baahdana uu qaban karo, sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan axsaabtana u yeedho ,oo aan kala hadlo hawlahaas ay ka hadleen”Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.