“Waaryaadha Waa Nimanka Anigu KULMIYE Ma Ihi…” Saleebaan-Gaal

Hargeysa(Aftahannews.com):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan (Saleeban gaal),ayaa sheegay inaanu ka mid ahayn Xisbiga KULMIYE isla markaana aannu wax lug waan waan ah ka galin khilaafka dhexdooda ka aloosan,waxaa kaloo uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan Gaal) uu ka hadlay shirwaynaha Qaran ee ay  guddiga qaban qaabo u magacaabeen labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay xayndaabka Xarunta  Golaha Guurtida mar uu ka soo baxay gudaha ,ayaa isagoo socda ka jawaab celiyay khilaafka ka dhex qarxay Xisbiga KULMIYE iyo waxa uu kala socdo iyo inuu ka galay wax waan waan ah

“Waaryaadha waa nimanka anigu KULMIYE ma ihi baan idin idhi,haddii la iga baahdo  talona waan ka hadli doonaa”ayuu ku hal celiyay Saleebaan Gaal,mar wax laga weydiiyay shirka Qaran ee ay ku baaqeen labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayuu ku jawaabay

 

 “Shir-weyne Qaran oo Madaxweynahii dalku ka maqan yahay dee shir-weyne Qaran noqon maayo, Madaxda asxaabtana waanu iska arki,” ayuu ku jawaabay Gudoomiyaha golaha Guurtida . Saleebaan Maxamed Aadan,

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland