Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweyne Siilaanyo

Filed under: Wararka |

waxaa Qoray Wasiirkii Hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Axmed Xaaji Maxamed Biixi  Eebow, igu maneyso samir haddaan wax qaldan sixi kari waayo, i sii kudhac aan ku toosiyo waxa aan aqbali kari waayo. A. DIB U EEGID TAARIIKHEED 1.Hordhac Sababta aan uga  baxsaday 1974 Siyaad Bare rajiimkiisa, aniga  oo ahaa Maamulaha (Chief Geologist) Somali Republic Geological Survey, waxay aheyd markii dhacdooyin badani igu dhaceen oo aan shaqadaydii wadanka uu hayey wadi kari waayey. 2.Dhacdadii Koowaad Colonial Administration waxaynu ka dhaxalnay qalabka lagu baadho macdanta oo ay ka mid tahay microscope (weyneeye) oo dhagxaanta lagu eego. Xafiiska Xamar ee jolojiga ayaa i weydiistay in aan microscopkii keli aha ee aanu haysanay Xamar u dirowaxaanay ahayd wax aan aad ulayaabay. Waxaan ku andacooday in ay microscope cusub ka iibsadaan projectka oo UNDP  maalgelinaysey.Wakhtigaa  Lufthansa ayaa u ka  gooshi jirtay wiigiiba laba jeer Xamar iyo Frankfurt.Waxaan ka codsaday inay microscopkan noo daayaan si aanu dhagxaatan ugu baadhano. Maamulihii Jolojiga ee xamar fadiyey wuu ku adkaystay inaan microscopka u dhoofiyo Xamar. Muddo laba bilood kadib ayaan Xamar shaqo u tegay waxan arkay micoscopkii oo meel yaala oo aanay cidina isticmaaleyn. Dib baan u soo ceshaday(Hargaysa ayaan keenay) si annu u isticmaalno. Muddo yar dabadeed baan helay waraaq canaan iyo hanjabaad isugu jirta iyada oo lagu andacooynayay in aan ah gobolayste(regionalist). 3. Dhacdadii labaad Maalin baa xifiiska waxa iigu yimi koox ka tirsan sirdoonka rajiimka Siyaad Barre. Waxanay doonayeen buug cinwaankiisu yahay “General Survey of the Somaliland Protectorate (1944-1950) oo u qorey John Hunt in aan u dhiibo. Markaan weydiiyey waxay u rabaan buugan waxay iigu jawaabeen in qabaailka Somaliland  degaan ku xusan yahiin qabiilkiina la tirtiray. Waxaan u sheegey in cilmiga buugan ku duugan  qiimihiisa aan la qiyaasi karin. John Hunt oo jolojista ahaa buugan waxa  ku soo urruriyey diraasado badan oo sameynaya biyaha, cimilada, beeraha, degaanka, iyo jolojiyada dalka. John wax oo ka soo bilaabay sahankiisa jooloijiga(Geological Survey) Zeylac waxnu lug ku maray ilaa buuraha badhan isaga oo shanta subaxnimo billaabijiray sahankiisa(field work)  soo na noqda lixda fiidnimo. Habeekiina inta badan wuxuu qorijirey diraasad maalmeedkisa. Dhulka baaxadaa leh muddo laba sanno ah ayuu ku marey lug isaga oo qalabka jooljiga awori u xambaarsantahay. Wuxuu aad u hormariyey cilmiga jolojiga Somaliland. Waxaanan odhan karaa in uu ahaa aabaha jolojiyada dhulkeena. Koxdii sirdoonka  waxay ku adkeesteen in ay gubaan 26 buug  aan hayay. Waxaan ka codsaday inay hadaba ka jeexdaan bogaga ay qabaa’ilku ku xusanyihiin. Waxaan u tibaaxay in ay haboontahay in qof waliba ogaado isirkiisa oo afka qalaad lagu yidhado “genealogy”. Waxaan ku doodey maxaa ku jaban in aan ogaado reerka aan ka soo jeedo,tusaale ahaan beesha Ciidagale inta ay u qaybsanto iyo taariikha qabiilkaas dhib maleh hadii la ogaado oo keliya. Waxa jira nin wakhtiigi cubudiyada (slave tirade) jirtey laga soo afduubey qooriga Galbeedka Afrika. Markii uu ninkaasi weynaaday sanado badan ayuu ku wareegayey dalka Nigeria si uu u ogaado isirkiisii. Waxa uu qoray buug caan ah oo cinwaankiiso yahay“Roots” oo micnihiiso yahay “Isir”. Waxaan xasuusiyey in Quraankeena kariim ahi inoo sheegey in qabiilka laysku garto laakiin aan lo isticmaalin si cunsuriyad ah. Way iga garowsan waayeen  doodaydii. Lix iyo labaatankii buug ee aan hayeyna wey qaateen oo wey gubeen. 4. Dhacdadii Sadexaad Todobatanadii waxay Somaliland la heyd 4 kooxood (parties) oo sahanada Jolojiyada si firfircoon dalka oo dhan uga baadhi jiray macdanta. Diraasad badan wey ku guulaysteen. Macluumaadkii la ururiyey wey lumeen cid ka daba taktayna majirto. Bishii March,1974 ayaan mushahaaradii u qaaday kamp  degan  agagaarka tuulada Minjacaseeye. Markaan mushaharadii bixiyay baan ku soo noqday Berbera oo aan Habeenkii u hoyday. Subaxdii baan ka soo kalahay. Abdal meel ku dhow ayaan ku la kumay kox Ruush ah oo ka shaqeen jirey buuraha Siimodi. Koxdaasi waxay wateen 3 baaboor oo waaweyn oo dhagxani ka booxaan. Markii aan wediiyey dhaxantan xagey ku wadaan waxay ii gu jawaabeen Raashiya ayaanu u direyna. Waxaan u sheeey in 5 kiilo oo keliya loo fasaxayo si ay u soo baadhan. Waxay iigu jawaabeen anagu fasax baanu heysanaa oo adiga amar kaa qaadan meyno. Markii aan Hargeysa soo gaadhay ayaan Maxamed Burrale oo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha wakhtigaa ahaa arrintii gadhsiiyey Wasiirkaasi waxa u ahaa wasiir hufan oo dacad ah, Dhowr maalmood dabadeed ayuu igu yidhi ariintaa ka naso. Carqaladahaa aan soo xusay waxay igu qanciyeen in aanu dhalkani wadankeygii  ahayn. Cabdiraxmaan Sheikh Cali Saciid(Alla how naxariisto) oo Gudoomiyihi Maxkamadda Sare ee u horeyey ahaana isla markaana lawyer caana ahaa ayaa ii digay in lay xidhayo. Waxaan ku tashaday inaan haajiro.. Muddo yar dabadeedna aniga oo Mareykan jooga ayaa rajiimkii Siyaad dil igu u xukumeen. 5.  EEDAYN MUCAARADINIMO Mucaaridad ku saabsan diraasad Cilmiyeed Dhowr diraasadood oo ku saabsan cimiladda, biyaha iyo degganka baan natiijoyinkii qoraal ku soo saarey. Macluumaatka ka soo baxa diraasadaa cilmi baadhi waa waajib in la faafiyu si bulshda iyo xakuumadoba  macluumaadka uga faa’iideystaan.  Diraasadani waa muhim oo waxay tilmaamaysa meelaha degganku sii xumaanaya iyo isbadalka cimilada iyo roobka Somaliland. Mucaridnimo laygu eedaynayo waa diraasad aan sameeyey oo ciwaankeedo yahay “Falaqeynta Isbedlka Roobka Somaliland Iyo degganka Howdaka oo sii xumaanaaya”. Hay’da u qaabilbsan cimilada, biyaha iyo degganka Somaliland oo la yidhaaho SWALIM ayaa dirasaadan aad uga cadhooty. Waayu, waxaan dhaliilay harumarinta biyaha iyo degaanka ee Somaliland. Eeg lifaaq A   2. Dalab la kulan Madaxweynaha oo Mucaaradad lagu shabadeyey   Muddo sanad iyo dheerad laga joogo ayaa bulshaad Reerko shir ku qabsadeen Hargeysa. Shirkass oo ujeedadiiso aheyd danaha Reerka ugaar ah sida tacliinta iyo adeegyada lo fidinaayu dadaka ku tabaaleysan Caasimada. Waxa la sooqaaday cabashoyin yaryar oo aan badneyn in Madaxweyna la gaadhsiiyu. Marna shirkaas ujeedadadiisu ma aheyn in xukoomada mucaarid lagu noqdo. Guddi baa la doortey anigana gudoomiye ayaa lay doortey..   Cabashooyin aan badneyn ayaa gudidii ka fursan weyde in ay ka arkikaraan. Madaxweyne. adigu dadka oo dhan baad Madaxweyne u tahy. Xaq bey u leedahay islaanta caanaleyda ihi in ay ku arki karto oo waxii dhibato ah ay qabto ku soo gaadhsiin karto. Rooxa ku doonaya in u ku arko jidkasba ha kuu soo marey  maarid ma ha. Wasiir Xirsi ayaanu isku daynay inaanu la kulano si u qadiyadaha reerka ku soo gadhsiiyu. In aanu la Kulano Wasiir Xirsi wey noo soorageliweydey. Waxaan u tagney Maxadweyne ku Xigeenka(MX), Abdirahman Abdallahi Ismail Saylic) in u arjigii aanu qorey ku soo  gadhsiiyu balana nooga kaa so qaado. MX wuu naga aqbaly in oo arijiga ku soo gudbiyu balana nooga kaaso qaado.   Arrintii  si xun  waxa u soo farageliyey nin layidhaho Ganey oo xukoomada ka tirsan iyo koox kalay uu hogaaminayo oo reerk ka tirsan. Gudidayadii ayu weerar siyaasadeed ku soo qaaday  Shir balaadan oo reerka dhexdiiisa ah ayu Ganey iigu hanjebey kuna dhawaaqey in aan iscasilo sababta oo ah in inaan Xirsi soo mariyayey.. Shirka dhexdiisii buu ka yidhi maxaad u marteen MX. Shirka  dhexdiisa iyu ka yidhi haldalo cusuriyad ah oo ku ledi ah MX.  Waxaan ku idhi waxaad ku hadashay waa cusuriyada  loo mana baahna, Madaxyene Ku Xigeenkna waa la doortay ixtiraam iyo xusho ayu inaga mudan yahay aflagaado  noocaasina lo ma baahna.   In aan doonayu in aan ku la kulmo waxa cadeynay in ka codsaday Cabdo Aayar, Badhasaabka Awdal, in uu balan iigkaa soo qaado. Haddii shirka reerko qabsoomi laha waxay i siin la heyd fursad aan quralkan toos kugu soo gudbiyu. Mucaaridnimada laygu andaceeyey waxay sababtay in mansab konsaltansi oo aan khibrad u leeyahay oo xaga biyaha ah oo aan filayey ku waayey. Muwaadin xataa haddu mucaarid yahay shaqo uu xalaal u heley lays kama hor taagi karo. Waad xisuusantahay fadiixadii Riyaale ka soo gaaday markii uu is hor taagey shaqadii xalaasha aheyd ay ku gooleysatay Marwada Kowaad.   Anigu nin sayntist baan ahay. Wasiirnimadii aan qabtay u maan howl galay. Egal (Alla how naxaariistay) ayaa wafdi khaas ah (Envoy) iigu diray inaan warbixintii uga keeno sharikadii haystay laysanda shadaalka Somaliland. Wuu jeclaystay warbixintii aan u keeney oo aheyd in Conoco Oil Co. doonayu  in uu soo noqo  oo  howl  shidaal baadhis ka bilaabo Somaliland. Haddanu dagalkii sokeyey aanu dhicina wey soo noqon la haayeen.. Laba bilood horeteed inta aanu ku dhawaaqin wasiiradiisa ayaan ogaa inaan wasiirka Macdanta jyo Biyaha noqonaayu.   Madexweyne, dalku xaq khaas ah ayuu ku leeyahey inaga iyo kuwa badan ee kharakhkii tacliintoda uu bixiyey.  Kharashkii ku baxay digiriyashada BA iyo MA waxa bixiyey dalka. Aniga na waxuu bixiyey kharashkii aan u qaatay digrigaygii hore (BSc). .WAXAA QORAY WASIIRKII HORE EE WASAARADA MACDANTA IYO BIYAHA ENG:AXMED XAAJI MAXAMED BIIXI La soco Qaybta Labaad….. Aftahannews.com Hargeysa Somaliland

You must be logged in to post a comment Login