Sacuudiga oo xidhaya Malaayiin qof oo dalkiisa sharci-darrado ku jooga iyo cabsida Ajaanebka

Jiddah(Aftahannews):- Boliiska Sacuudiga ayaa billaabay inay qabqabataan kumannaan shisheeye ah oo sharci darro ku jooga dalkaas. Arrintan ayaa ka imanayso maalin kaddib markii uu dhammaaday xilligii loo qabtay in dadka sharci darrada ku jooga dalkaas ay baxaan.

131104161623_maleworkers_saudi_512x288_afp

131101154027_arabsaudi_304x171_reuters_nocredit

Dalka Sacuudiga ayaa Isbedello ku sameeyay sharciga shaqaalaha dalkaas. Taas waxay keentay in kumanaan ruux oo ajnebi ah oo dalkaas ka shaqeysan jiray ay baxaan bilihii ugu dambeeyay.

Ku dhowaad hal milyan oo ruux oo ka soo jeeda dalalka Bangaladesh, Filipin, Hindiya, Nebal, Bakistaan iyo Yamen ayaa lagu qiyaasay in sadaxdii bilood e ugu dambeeyay ay Sacuudiga ka baxeen. Afar milyan oo kale ayaa la siiyay warqado sharci ah oo ay ku shaqeynsan karaan.

Ajnebiga sharci darrada ku jooga Sacuudiga ayaa soo baxayay bilihii ugu dambeeyay Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqaalaha ee Sucuudiga Mifrij Al Xaqbani, ayaa sheegay in aysan bartilmaameedsaneynin oo keliye shaqaalaha ajnebiga ah, balse ay sidoo kale baari doonaan shirkadaha sharciga jebiyay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay rajeynayso in tallaabadan ay dadkeedu fursado shaqo ku heli doonaan.

Dalka Sacuudiga waxaa ku nool boqolaal Soomaali ah oo halkaas ku tegay si sharci darro ah. Axmed Cali oo BBC-du la hadashay isagoo dhuumaalaysanayo ayaa sheegay inay rajaynayaan in arrintan ay soo afjarmi doonto dhowr toddobaad kaddib.

Sacuudiga waxaa ka shaqeysto kumanaan ruux oo ajnebi ah, oo badigoodu qabto shaqooyinka aany ka shaqeyn dadka u dhashay dalkaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.