Jamaal Cali Xuseen Muxuu ka yidhi Shirweynaha ay Guddiga qaban-qaabo u magacaabeen Xusbiyada Mucaaridku?

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbigga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka loo qabanayo shir Qaran oo ay hore ugu baaqeen, isla markaana ay UCID iyo WADDANI shalay Guddi qaban-qaabo u saareen, waxaanu sheegay inaan shirka wada-tashiga Qaran loo qabanaynin in dawladda lagu mucaarido, hase-yeeshee la doonayo in lagaga tashado wax Somaliand u danta ah iyo in wax la iska weydiiyo sidii loo samayn lahaa dhaqaale-abuur.

13797_NpAdvHover

Musharraxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ugu horrayn ka hadlayay doorka ay labada Xisbi Mucaarid ku leeyihiin shirka Qaran ee ay ku baaqeen iyo cidda ka qayb-gelaysa, ayaa yidhi; “Annagu gogosha ayuun baannu dhigaynaa haddaannu nahay labada Xisbi Mucaarid, (WADDANI iyo UCID) waxaannu u furan yahay oo kasoo wada qayb-gelaya dhammaanba dadka reer Somaliland, waxaannu doonaynaa inay Xukuumaddu ka soo qaybgasho oo ay doorkeeda ka qaadato, oo Xisbiga KULMIYE ka soo qaybgalo oo laga wada-tashado waxyaabaha innoo danta ah.”

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay ujeedooyinka shirka loo qabanayo iyo waxyaabaha lagaga  wadahadlayo ayaa yidhi; “Shirkani maaha mid Xukuumadda lagu mucaaridayo, laakiin waxaa lagaga wadahadlayaa waxa Somaliland danta u ah iyo waxa innoo qabsoomay iyo waliba waxaynu higsanayno, waxaa lagaga hadlayaa kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, waxaa wax la iska weydiinayaa waxaynu ka yeelayno shirarka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay mar kasta Madaxda Soomaaliya yidhaahdaan waxaannu shirarkan u qabanaynaa sidii ay ku iman lahayd midnimadda Soomaaliya.”

“Innaguna (Somalilnad) waa inaynu ku nidhaahnaa waxaannu shirarka uga qaybgalaynaa sidii aannu gaar u noqon lahayn ee ay Somaliland jiritaankeeda uga midho dhalin lahayd kuna noqon lahayn laba dal oo walaalo ah jaar wanaagsanna ahaada,waxaa wax la iskaga waydiinayaa sidii ay shirarkaa uga qayb gali lahaayeen ee loogu xuli lahaa dad aqoonyahanno ah oo ka midho dhalin kara qadiyadda Somaliland.waxaa wax la iskaga weydiinayaa wax kasta oo dhibaato innagu ah sidii aynu xal uga gaadhi lahayn laakiin maaha ujeedada shirkani mid lagu wax yeelaynayo ama lagu mucaaridayo Xukuumadda maanta jirta.” Sidaa ayuu  yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharrax Jamaal oo ka hadlayay cidda ay doonayaan inay ka soo qayb gasho shirka Qaran ee ay wada jirka u wada wadaan qaban qaabadiisa labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID ayaa yishi; “Waxaannu doonaynaa inay ka soo qayb galaan aqoonyahanka dalkan iyo dadkan ee wax ka tari kara wax kasta oo aynu u baahannahay inaynu wax ka qabanno,waxaanu doonaynaa inay Xukuumaddu ka soo qayb gasho oo ay doorkeeda ka qaadato,hore shirar badan ayaa loo qabtay oo loo qabtay ayaa u jiray.”

“Laakiin, kani kuwaa hore lama mid aha waanu ka duwan yahay oo waa shir aanu doonayno inay Somaliland u dhammaato oo kawa tashato aayaheeda waxna iska weydiiso arrimaha taagan iyo mustaqbalkaba lagana wada shaqeeyo sidii ay wax innoogu hagaagi lahaayeen loogana midho dhalin lahaa qadiyadda Somaliland,waxaynu u baahannahay inaynu wax iska weydiinno sidii aynu wax uga qaban lahayn dhibaatada tahriibka iyo mushkiladda caruurteenii dhaqaajisay shaqona loogu abuuri lahaa.” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.