Musharax U Tartamaya Xilka Madaxwaynaha Puntland Oo Ilaaladiisii Hub Ka Dhigis Lagu Sameeyay

 

Garoowe(Aftahannews.com):-Musharax u tartamaya Xilka Madaxwaynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,ayaa hub ka dhigis lagu sameeyay ciidankii ilaaladda u ahaa isla markaana ciidanka Puntland ay kaka wareegeen dhamaam hubkii iyo gaadiidkii tiknikada ahaa ee ay gacanta ku haysteen.

Musharaxa Madaxwayaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas),ayay ciidanka  daraawiishta ee Puntland waxay hub ka dhigis ku sameeyeen ciidan ilaalo u ahaa musharax Gaas oo kuwaas oo ay kaa wareegeen gaadiid tikniko ah oo ay wateen iyo dhammaan axay hub siteenba.

 Wararka ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal; oo gaadhaya ilaa afar iyo Gaadiid la sheegay inay gaadhayaan ilaa sadax gaadhi oo Nooca Runetka ah iyo Surf lagala Wareegay Maleeshiyaad ay isku hayb yihiin Cabdiwali Maxamed Cali  (gaas)

Wararka ayaa sheegaya in Guri la sheegay inuu ku dgi lahaa Cabdiwali Gaas oo ku taala Garowe ayay isku Gadaameen Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, waxaana la sheegay in Guriga laga soo saaray gaadiid dagaal iyo kuwa Raaxada ah sida ay dad goob joogayaal ahi u sheegeen warbaahinta

 Sidoo kale Musharax Cabdiwali gaas, ayaan wali arintaas ka hadlin isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi oo maalmihii la soo dhaafay uu shirar kaga qayb galayay uu taageero kaga doonayo dadka u dhashay deeggaannada Puntland ee ku dhaqan dalka Kenya

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.