Soomaaliya oo ka hadashay Is-casilaadda Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo Jawaabta ay ka bixisay

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda Somaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Mawqifkeeda ku aadan Iscasilaada Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Dalka Yusur Abraar oo laba maalmood ka hor si lama filaan ah loo sheegay inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimada Bangiga dhexe.

Yirisow

Yusur Daahir Abraar, ayaa saddex usbuuc ka hor Madaxweynaha Dawladda Federaalka somaliya u magacaabay Xilka, inkasta oo aan wareegto rasmi ah oo lagu shaaciyay jirin, balse Golaha Xukuumadda laga ansixiyay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Eng, Cabdraxmaan Yiriisow, ayaa go’aanka Guddoomiye yusur ku tilmaamay arrin ilaa hada daliil cad ama wax lagu sarifo aan la garanayn, balse qofka masuulka ahi xaq u leeyahay inuu shaqada ka tago.

“qofku xaq buu u leeyahay inuu is casilo ama shaqo ka tago, wax cusub ma aha. Qof Xil weyn lagu aaminay oo 3 cisho xafiis joogay oo ka tagay maxaa lagu micneyn karaa?”ayuu Gobanimonews u sheegay Eng. Cabdiraxmaan Yiriisow.

Afhayeenka Madaxtooyada somaliya ayaa sheegay inay dawladda ka go’antahay  dar-dar gelinta hawlaha qaranka, wax saamayn ahna aanay ku yeelayn arintani qorshaha dawladda federaalka eek u aadan gaadhista Himiladda qaranka .

“Dowladda waa ka go’an tahay in la sii dardargeliyo howlaha Qaranka. Shaqsiga xilka ka tagey waa shaqsi oo Qarankaa ka weyn.”ayuu yidhi.

Af-hayeenka oo Gobanimonews waydiisay su’aal ah sababta Guddoomiyaha Bangiga ku kelifay talaabada ay qaaday iyo inay jiraan wax baadhis ah oo arintan dawladu ka samaysay, ayaa ku Jawaabay “Dowladu kama hadasho shaqsi shaqo ka tagay oo xushmad,  qadarin mudan oo danta guud baa ka weyn tan shaqsi,marka waxa  noo yaalaa howlihii Qaranka”ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay.

Doodda ku saabsan iscasilaada haweenaydan Bangiga dhexe ee Somaaliya loo magacaabay ayaa u muuqata mid wajiyo badan yeelanaysa, waxaanay noqonaysaa masuulkii ugu horeeyay ee xukuumadda hada talada haysa iska casila , isla markaana mudo sidaasi u kooban istiqaalada ku dhiiba.

Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sanadkii ugu dambeeyay laga dareemayay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku waajahayso  sidii nabad iyo kala dambeyn waarta looga hir gelin lahaa waddanka somaliya ee bur-bursanaa 22 sanadood.

Waxaanay mudadaasi xukuumaddu gashay Heshiisyo Caalamiya iyo kuwo ay dib ugu soo celinayso Hantida qaranka ee Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka Taageera somaliya gacanta ay ku hayeen intii dalku dawlad la’aanta ahaa, hase ahaatee arintan iminka sababtay talaabada Guddoomiyaha Bangigu qaaday ayaa lala xidhiidhinayaa inay ka timi Lacago Dawladdu leedahay oo lagu muransanyahay sidii loogu soo wareejin lahaa Hay’adda Maamusha lacagta dawladda ee Bangiga dhexe.

Xigasho Gobanimonews

Muqdisho Office.