Xildhibaan Qabille Oo Sheegay Inuu Markii Saddexaad Ka Badbaaday Fal Toogasho Ah Oo Lagu Khaarajinayey

Hargeysa(Berberanews):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay inuu markii saddexaad habeen-hore ka badbaaday fal toogasho ah oo la doonayey in lagu dilo.

Xildhibaan-Qabile

Xildhibaanku waxa uu sidaa ku sheegay war uu shalay siiyey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka. Xildhibaan Qabile waxa uu intaas raaciyey in uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidanka Booliska oo aanu magacaabin, balse uu sheegay in uu ahaa nin uu si fiican u garanayey oo ay isku reer yihiin. Xildhibaanku waxa uu intaas raaciyey in aanay jirin wax ka dhexeeyey isaga iyo ninka rasaasta ku riday. Hase ahaatee waxa uu ku dooday in falka toogashada ah ee uu ninkaasi kula kacay ay ka dambaysay xukuumada oo sida uu sheegay ka damqatay wax uu ku tilmaamay dhaliilaha faraha badan ee uu had iyo jeer maamulkeeda u soo jeediyo.

Hadaba, ma aha markii ugu horeysay ee uu Xildhibaan Qabile sheego in uu ka badbaaday fal toogasho ah oo la doonayey in lagu khaarajiyo ee waa markii sadexaad ee sidaas oo kale sheego. Waxaana jirtey laba jeer oo hore oo uu Xildhibaankaasi sidan oo kale u sheegay in uu ka badbaaday tacshiirado rasaas ah oo ay ku rideen wax uu ku tilmaamay dad ay xukuumadu u soo dirtay. Iyada oo maalintii ugu horreysay ee uu Xildhibaan Qabile sheegay in la toogtayna ahayd bishii Nov. 4. 2009.

Shir jaraa’id oo uu maalintaas xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ku qabtay magaaladan Hargeysa waxa uu ku sheegay in uu xalay ka badbaaday dil toogasho ah oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo, dilkaas oo uu isla mar ahaantaas sheegay in uu ka dambeeyey Madaxweynihii Somaliland ee xiligaas Md Daahir Riyaale Kaahin, kaas oo uu ku eedeeyey in uu ku dilayey wax uu ku tilmaamay dhaliilo uu xukuumadiisa u jeediyo.

Marka labaad ee uu xildhibaankaasi sheegay in la toogtayna waxa ay ahayd bishii December 2011, markaasna waxa uu Md Qabile warbaahinta u sheegay in uu ka nabad galay, wax uu ku tilmaamay shirqool xukuumadu soo abaabushay oo la damacsanaa in isaga lagu dilo, ka dib markii uu ka badbaaday rasaas uu ku ridey nin bastoolad ku hubaysnaa, oo uu ku sheegay in uu ahaa askari ciidamada dawladda ka tirsan, oo uu si fiican u garanayey inkasta oo aanu magacaabin.

Xildhibaan Qabille ayaa mar la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa in ay jirto cid uu u tuhunsan yahay inay ka dambayso falkan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta imika waxa arrintan gacanta ku haya Taliska Ciidamada Booliska, waxaana jira dad loo tuhunsan yahay, tuhunkuse waa badan yahay.

Waxaanse aaminsan nahay anigu Xildhibaan Wakiilada ah baan ahay, cid kale waxba iskuma haysano’e, waa dhaliisha aan u soo jeediyo maamulka darteed uun baa ka dambaysa dhacdadan la igu fuliyey, balse xagga Rabbi ayaa la iga badbaadiyey oo aan ka nabadgalay.”

Waxa kale oo iyana jirta in Xildhibaan Qabile laf ahaantiisu uu tacshiirad rasaas ah oo ku furay meel suuq ah oo ku taala badhtamaha magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil, sanadkii 1994kii taas oo ay ku dhinteen dhawr qof oo rayid ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen dad kale oo wakhtigaas ku sugnaa goobtaas suuqa ahayd ee uu xildhibaanku rasaasta ku furay. Tacshiirada dhimashada iyo dhaawaca sababtay ee uu xildhibaan Qabile waagaas ku ridey suuqa magaalada Sheekh waxa ay timid ka dib markii ay xukuumadii Madaxweyne Cigaal ee berigaas jirtey xilkii ka qaaday, Xildhibaan Qabile oo markaas ahaa Moyarka Degmada Sheekh, taasi oo uu isaguna kaga jawaabay tacshiirad rasaas ah oo uu ku furay badhtamaha suuqa magaalada Sheekh, taasina ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba in uu soo gaadho dadkii suuqaas ku sugnaa.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo shalay u waramayey idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa isaguna sheegay in ay u hanjabeen dad aanu magacaabin, balse uu tilmaamay in ay madaxtooyada Somaliland ka tirsan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, ma aha in laga aamuso hadalkan Faysal Cali Waraabe ka soo yeedhay, waxaana haboon in jiritaanka arintaas xukuumadu baadhis ku samayso, oo hadii ay run noqoto talaabo adag laga qaado dadka u Gudoomiyaha u hanjabay, hadii ay beenowdona waa in Faysal laf ahaantiisa maxakamad la soo taagaa oo talaabo sharci ah laga qaadaa, sababtoo ah waxa uu meel kaga dhacay sharaftii iyo karaamadii qarannimo ee Somaliland oo dhan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.