Farxaan-Xiddig: “Anigu ma ihi Siyaasi, Fanka Soomaaliduna xuduud malaha..”

Boorama(Aftahannews):- Fannaanka Soomaaliyeed ee Farxaan Muuse Cige (Farxaan-Xiddig), ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegaya inuu ka tirsan yahay Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu ku dooday inaanu ahayn nin siyaasad shaqo ku leh ee uu yahay Fannaan Soomaaliyeed, Fankuna aanu xuduud lahayn.XIDDIG

Fannaanka Farxaan-Xiddig waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isaga oo sheegay inuu Somaliland u yimi laba arrimood oo kala ah inuu Hooyadii oo Somaliland deggan soo siyaarto iyo inuu dhalinyarada reer Somaliland iyo Carruurta derbi-jiifka ah uu kala qayb-qaato duruufaha ay ku sugan yihiin.

“Anigu ma ihi siyaasi, waxaan immid dalkaygii Hooyo, waxaan u soo galay dalka si sharci ah, waan ka xumahay in Saxaafaddu ay jaantaa-rogan ka dhigto Safarkayii. Waxaan ahay Fannaan Soomaaliyeed oo ay Fankiisa xiiseeyaan inta Afka Soomaaliga u dhalatay meelkasta oo ay ku nool-yihiin-ba, waxaanan sheegayaa in Fanku aanu xuduud lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Fannaanka Soomaaliyeed ee Farxaan Muuse Cige (Farxaan-Xiddig).

Waxaanu Fannaan Xiddig oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Somaliland waxa ku nool hooyaday Macaan oo aan soo siyaartay. Waxa kale oo intan ii dheer inaan dareenkooda la qaybsado carruurta duruufaha gaarka ah qaba (Derbi-jiifka) iyo dhallinta Tahriibaysa, waxaanan aad uga damqanayaa in dadkan jiilkii mustaqbalka Barri u hadhi lahaa ay Badaha ka tallaabaan oo ay naftooda biimeeyaan, waxaanan leeyahay dhallinta dalkeenna ayaa khayraad ka buuxaa ee aan hoos u eegno oo aan iska deyno tahriibta, waa farriintaas farriinta aan waday ee aan rabay inaan dhallinyarada Somaliland la qaybsado, dhinacaygana ka wacyigeliyo.”

Farxaan-Xiddig waxa uu Suxufiyiinta kula dardaarmay ilaalinta waddaniyadda, waxaanu yidhi; “Saxaafadda waxa looga baahan yahay inay aqoonta tabinta warka ee ay leeyihiin ay ku darsadaan barashada iyo ogaanshaha qiimaha ay leedahay waddaniyaddu, haddii Suxufigu waddani yahay waxa uu ku dhiirranayaa inuu waxa loo baahan yahay u sheego dadka oo uu iska dhaafo waxa aan micnaha lahayn ee ummadda xanafta ku ah. Saxaafaddu hore ayay u tidhi QIIMEE QOFKAAGA QIIMAHA LEH, sidaasi ayaana looga baahan yahay inay u ogsoonaadaan in ay waddaniyaddu tahay inay qiimeeyaan qofkooda qiimaha leh.”

Fannaanka Farxaan-Xiddig waxa uu sheegay in Somaliland horumar muuqdaa ka jiro, isla markaana ay dadkeedu isku tashadeen waxna qabsadeen. “Somaliland waxa ka muuqda hormar balaadhan oo dhinacyo badan taabanaya, waan hambalyaynayaa hormarkaasi, waxaana ii muuqata in dadka reer Somaliland ay isku tashadeen oo iyaga oo aan helayn caawimo shisheeye ay jidadka dalkooda hormarintiisa u soo jeesteen, sidaasi aawadeed, waxa looga baahan yahay reer Somaliland in ay arrintaasi sii adkeeyaan oo ay is garab taagaan hormarka dalka ka socda.” Sidaa ayuu yidhi Fannaanka Farxaan Muuse Cige (Farxaan-Xiddig).

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland