“Waxaannu ugu digaynaa in TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa ay noqdaan godad Abeeso oo Mucaaridka lagu qan-qaniino…” Md. Cabdiraxmaan-Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa maanta Warbaahinta Qaranka ee ay dawladdu maamusho si adag ugu hanjabay, isla markaana soo jeediyey inay Masuuliyiinta Warbaahintaas gacanta ku hayaa ogaadaan inay ku shaqeeyaan Hanti Qaran oo loo siman yahay.

Guddoomiye-cirro-300x225

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu sidaas ku sheegay Xaflad Xibiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee WADDANI maanta u qabtay lix Xildhibaan oo ka tirsan Wakiillada oo ay Xisbi la’aani ku dhacday, ka dib markii uu sannad iyo bilo ka hor saaxadda Xisbiyada siyaasadda ka baxay Xisbigii laga soo doortay ee UDUB, kuwaasoo maanta ku biiray WADDANI.

Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo si gaar ah ula hadlayay TV-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa waxa uu yidhi “TV-ga Qaranku wuxuu maanta la Miisaaniyad yahay Golaha Wakiillada, haddii Idaacadda lagu darana ka badan, Wasaaradda haddii loo geeyana kaba sii daran. Markaa, Masuuliyiinta TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa iyaguna way og yihiin, waanan ugu celinaynaa inay Hantidaasi tahay Hanti Qaran oo loo siman yahay Xukuumad iyo Axsaabta Qarankaba, oo qof kasta oo Muwaaddin ahi uu wax ku leeyahay.”

“Waxaannu rejaynaynaa una soo jeedinayaa in wararka ay sii deynayaan noqdaan warar miisaaman oo dhex dhexaad ah, waxaannu ugu digaynaa in TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa ay noqdaan godad Abeeso oo Mucaaridka lagu qan-qaniino.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro).

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.