Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka warrantay guulaha Safar ay kaga soo noqotay Maraykanka

Muqdisho(Aftahannews):- Ra’isul-wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka, ka dib ay soo dhammaysatay safar ay maalmihii ugu danbeeyay ku joogtay magaalada New York ee waddanka Mareeykanka.

Fowsiya-Yusuf-600x345

Wasiirka arrimaha dibedda federaalka Soomaaliya Foosiya Yuusuf X. Aadan, ayaa markii ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta waxa halkaas kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana intaasi ka dib ay ka warbixisay waxyaalaha uga soo qabsoomay safarkeeda Mareeykanka.

Waxay Foosiya sheegtay in shirkii ka dhacay magaalada New York ee ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, isla markaana lagaga hadlayay horumainta Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ay kasoo baxeen waxyaalo muhiim u ah Soomaaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda ayaa sheegtay in mudadii ay ku sugnayd dalka Mareeykanka ay kulamo kala duwan la qaadatay madax ka kala socotay xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka, kuwaasoo ay sheegtay in ay kala hadashay sidii loo tayeyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana loo kordhin lahaa weerarrada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii Shir ay isugu yimaadeen xubnaha joogtada ee Qaramada Midoobay islamarkaana ka dhacay magaalada New yor ayaa diirada lagu saaray taageeridda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM iyo weliba sidii loo kordhin lahaa tirade ciidamada AMISOM ka jooga Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.