Xisbiga UCID Oo Cambaareeyey Weerar Lagu Qaaday Xildhibaan Qabille, Eng. Faysal Oo Sheegay In Loo Hanjabay Iyo Jawaabta Taliyaha Booliska

“Aniga waxa ii hanjabay Rag Madaxtooyada ka soo jeeda markii aan Waraysiga siiyey Telefeshinka UNIVERSAL ka dib…” Eng. Faysal Cali Waraabe

“Faysal may ahayn inuu baadhista ka hor-dhaco, Wax ka dambeeya iyo wax soo diray oo Ciidanka Boolisku ka war-qabaan ma jiraan, waxna kama jiraan arrintaas…..Wax allaala wax ka jiraa ma jiraan, Askari Boolis ah ma aha, Booliskana kama tirsana…” Taliyaha Booliska Somaliland

 faysal-cali

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Rag Madaxtooyada Somaliland ka tirsani u hanjabeen, isla markaana waxa uu cambaareeyey fal rasaasayn ah oo habeen-hore lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee UCID laga soo doortay, kaasoo uu sheegay in ninka rasaaseeyey uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan si weyn u cambaaraynayaan toogashada lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Xildhibaannada laga soo doortay gobolka Saaxil ee sida weyn u dhalliila siyaasadda Xukuumadda iyo hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, inkasta oo aanay Xildhibaanka wax dhibaato ahi ka soo gaadhin rasaasayntaa habeen-hore lagula kacay.

“Ninkaas oo Xildhibaanka ah oo meel maraya ayaa nin u yeedhay dabadeedna saddex xabbadood buu ku riday. Xildhibaanku si cad buu u garanayaa ninka rasaaseeyey, waa nin ay isku beel yihiin, waa nin uu garanayo, waa Booliska nin ka tirsan buu yidhi Xildhibaanku. Waxaanay arrintani daba-socotaa dhaleecaynta uu dawladda dhaleeceeyo, ragga aad iyo aadka u dhalleeceeya dawladda ayuu ka mid yahay (Xildhibaanku).” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

“Aniga qudhayda waa la ii hanjabay, markaa waxa socota caga-juglayn iyo hanjabaad, xaaladdu meel xun ayey maraysaa.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey cidda Faysal ahaan u hanjabtay, waxa uu yidhi; “Aniga waxa ii hanjabay Rag Madaxtooyada ka soo jeeda markii aan Waraysiga siiyey Telefeshinka UNIVERSAL ka dib. Markaa, immika waxaan ka baqayaa wixii aannu ku soo tabcaynay inay meesha ka baxaan.”

Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey inay ribbood-gareeyeen hanjabaadaha uu sheegay in lagula kacay, ayaa sheegay inaanay weli dacwad rasmi ah u gudbinnin Hay’adaha amniga Somaliland, hase-yeeshee, ay si furan oo afka ah ugaga warrameen hanjabaadaha uu sheegay in lagula kacay, warbaahinta qaarkoodna faafiyeen.

“Dalkani wuxu u baahan yahay badbaado, dalkani wuxu u baahan yahay wada-tashi Qaran, taasna si dhaqso ah ayaad wax nooga maqli doontaan, ku daawan mayno dalkayaga inaannu Riwaayad been ah dhigno annaga oo xorriyadda dalkayaga og.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Sidoo kale, War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa si kulul loogu cambaareeyey isku-dayga dil ee lagu rasaaseeyey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaannu aad iyo aad U Canbaareynaynaa Falkii Foosha-xumaa ee Xaley (habeen-hore) lagula kacay Xildhibaan Maxamed Farax Qabille, kaasoo ahaa Xaley (habeen-hore) Abbaaro 7:05 Pm in Xaafadda Jig-Jiga-yar laysku Dayo in lagu Khaarajiyo dil qorsheysan.

Falkaas oo uu geystey Nin ka mid ah Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sita Derajada Kabtanka uu ugu yaraan saddex Xabbadood oo RASAAS ah ku ridey, balse Illaahey ka nabadgeliyey. Haddaba, Xisbiga UCID, waxa uu Cod dheer iyo Cod gaabanba ku canbaareynayaa dhacdadaa Foosha-xun, isla markaana arxan-darrada ah ee Ceebta ku ah Qaranka Somaliland (in La Bar tilmaameedsado Madaxda Qaranka Somalliland).

Ugu Danbeyntii Waxaa uu Xisbiga UCID Ugu Baaqayaa Xukuumada Talada Haysa iyo Haayadaha Amniga Qaabilsanba in si degdeg ah wax looga qabto Ninkii falkaas geystay iyo ciddii ka dambaysayba, si aanay u noqon waddo furan oo Madaxda Qaranka lagu bartilmaameedsado.”

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo VOA-da u warramay xalay, ayaa beeniyey inuu ninka Xildhibaanka rasaaseeyey ka tirsanaa Ciidanka Booliska, isla markaana waxa uu ku dooday inay gacanta ku hayaan baadhitaanka arrintaas.

“Dhacdadu way dhacday, waxa Saldhigga Ribbood keenay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, waxaanu sheegay in rasaas lagu riday, markiiba Booliska goobtaasi way ku baxeen, arrintaasina fal dhacay buu ahaa, waxaana baadhistiisa gacanta ku haya Ciidammada Booliska, eedaysanihiina waa la raadinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Waxaanu Taliyaha oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey hadalka Faysal Cali Waraabe ka yidhi dhacdada toogashada Xildhibaanka lagula kacay, waxa uu ku jawaabay Taliyuhu; “Horta, Amniga dalku boqolkiiba boqol wuu fiican yahay, waxaan leeyahay Fyasal, dhacdo way dhacdaa, dhacdadaasina way dhacday, Ciidanka Booliska ayaana baadhaya oo waa la baadi goobayaa, baadhistiina gacantaannu ku haynaa, cid ka dambaysa iyo cid soo dirtay ma jirto oo baadhista illaa hadda ka soo baxday, baadhistana inuu ka hor-dhaco may ahay. Goormuu in laga dambeeyo iyo inay cidi soo dirtay ogaaday? Meesha isaga miyey la joogeen markuu ninkan falka geystay ka soo dhaqaaqayey, waxa fiicnayd inaanu baadhista ka hor-dhicin, wax ka dambeeya iyo wax soo diray oo Ciidanka Boolisku ka war-qabaan ma jiraan, waxna kama jiraan arrintaas.”

Taliyaha Booliska Somaliland oo la weydiiyey in sida uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe sheegay inuu ahaa Askari ka tirsan Booliska Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, marka uu eraygaa leeyahay Faysal waxay ahayd inuu warka iska hubiyo oo uu iska shaandheeyo, waa nin weyn inuu wax uu hubo sheego ayey ahayd. Wax allaala wax ka jiraa ma jiraan, Askari Boolis ah ma aha, Booliskana kama tirsana, sal iyo raad toona malaha warkaasi.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.