Socdaalkii dheeraa ee gobannimada (2) (Long Walk to Freedom)

Filed under: Aragtida Bulshada |

Xusuusqorka Nelson Mandela Turjumid: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Yaraantii dhif bay igu ahayd in aan dad caddaan ah ku arko Qunu. Dabcan qaaddigu caddaan buu ahaa, sidoo kale waa ay dhici jirtay caddaan socdaal ah iyo bilays socoto ahi in ay na maraan. Nimankaa cadcadi aniga wax ay i la ahaayeen ilaahyo, waanan dareensanaa in lagu la dhaqmo baqdin iyo weynayn isku jira. Laakiin jiritankoodu noloshayda wax saamayn ah ku ma lahayn, weligayna si ahaantooda uga ma fekerin, iyo noolahaa yaabka leh ee meelahaa ka muuqmuuqdaa xidhiidhka ay dadkayga la lee yihiin.

BIO-MANDELA-WINNIE-RELEASE

Iskudhacyada qabyaaladeed ee qudha ee tuuladayada Qunu ka jiray wax uu ka dhexeeyay qoladayada Xhosa iyo dad aad u yar oo qolada la yidhaahdo amaMfengu tuulada ka degganaa. Dadka amaMfengu bariga gobolka Cape ayay soo degeen  iyaga oo ka soo qaxay ciidammadii Shakas Zulu xilliga loo yaqaan amaMfecane, oo ah xilligii dagaallada iyo barakacyada waaweyn una dhexeeyay 1820 iyo 1840, dagaalladaas oo ay huriyeen Shakas iyada oo la isku dayayo in la abuuro dawlad Zulu ah ciidammadooduna doonayeen in ay jebiyaan dadyowga kale oo dhan oo awooddooda hoos keenaan. Qolada amaMfengu asal ahaan ku ma ay hadli jirin afkayaga Xhosa, wax ay se ka soo qaxeen amaMfecane, wax aana lagu dirqiyay in ay qabtaan shaqooyinka liita ee aan afrikaanka kale qaban. Caddaanka ayay uga adeegi jireen beeraha iyo shirkadaha, taas oo ay Xhosaha dhulka deggani aad u yasayeen. Laakiin amaMfecane wax ay ahaayeen dad hawlkar ah, xidhiidhkii ay caddaanka la yeesheenna wax ay ka heleen tacliin iyo horumar ay ku dhaamaan afrikaanka kale ee dhulka dega badankooda.

Berigii aan yaraa qoladaa amaMfengu ayaa ugu mudnayd degmadayada yar, iyaga ayaana noqon jiray wadaaddada, bilayska, barayaasha, hawlwadeennada dawladda iyo turjubaannada. Iyaga ayaana ugu horreeyay cid masiixiyowda oo guryo wanaagsan dhisata, waana ay ka nolol wanaagsanaayeen Xhosaha. Wax ay xaqiijiyeen aragtidii ay dadka masiixiyadda faafiyaan hirgeliyeen ee ahayd “masiixinnimadu waa ilbaxnimo ilbaxnimaduna waa masiixinnimo”. Berigaa aan sheegayo amaMfengu weli dhaqankaa waa lagu colaadin jiray, maanta se kolka aan dib u eego wax aan odhan lahaa wax ay ahayd hinaase qoladaa loo hayo ee ma ahayn iskudhac tolal dhex yaallay. Loollankaa qabyaaladeed ee aan yaraantii arkayay waxyeello weyn ma lahayn. Xilligaa ii ma ay muuqan oo xitaa ma aan malayn karayn dagaalladii ba’naa ee ay beri dambe caddaanku tolalka ka dhex hurin doonaan.

Aabbahay weligii qoladiisa ku ma raacin xumaanta loo arko dadka amaMfengu, laba nin oo walaalo ah oo amaMfengu ah ayuuna saaxiib la ahaa, George Mbekela iyo Ben Mbekela. Walaalahaa ilma Mbekela Qunu wax ay ka ahaayeen niman aan caadi ahayn: wax ay ahaayeen mutacallimiin masiixi ah. George oo ahaa labada ka weyni wax uu ahaa bare hawlgab ah, Ben isaguna bilays. Nimankaa walaalaha ahi in kasta oo ay isku dayeen aabbahay in ay masiixi ka dhigaan isaga taasi waa ay geli wayday. Wax uuna ilaashaday diintiisii oo ahayd Ruuxda Weyn ee Xhosa, Qamata, ilaahii awowyadiis. Runtii aabbahay wax uuba ahaa wadaad aan rasmi ahayn, wax uuna maamuli jiray xuska diineed oo lagu qalo riyo iyo waylo, wax uuna kale oo qabanqaabin jiray xaflad dhaqameedyada la xidhiidha beerista, goynta beeraha, dhalashada ilmaha, arooska, daahfurka waxqabadka iyo aaska. U ma uu baahnayn aqoonsi wadaadnimadiisa ku saabsan waayo dhaqan diineedka reer Xhosa ayaa ku dhisan midnimada jiritaanka oo dhan, wax la sheegi karana ku ma ka la duwana waxa ruuxiga ah iyo waxa aduun, waxa muuqda iyo waxa dahsooni.

In kasta oo aanay diinta ilma Mbekela aabbahay weligeed saamayn hooyaday waa ay ka heshay oo masiixiyad bay noqotay. Magaceeda Fanny sidiisaba waa magac masiixi oo kiniisadda looga bixiyay. Aniga qudhaydu in aan masiixiyoobo oo ku biiro Kiniisadda Methodist ama Wesleyan, sidii berigaa la odhan jiray, iyo xitaa in dugsiga la igu daro, waxaa sabab u ahaa ilma Mbekela. Labadaa nin kolka aan ciyaarayo ama adhiga la joogo badanaa waa ay i eegi jireen oo i la hadli jireen. Maalin buu George Mbekela hooyaday booqasho ugu yimid. “Wiilkaagu waa yar garasho badan”, ayuu ku yidhi. “Waa in uu dugsiga dhigtaa.” Hooyaday waxba ma ay odhan. Qoyskayaga qof qudh ahi dugsi ma dhigan sidaa darteed fikradda Mbekela hooyo wax ay ku ahayd kediso. Laakiin taladii wax ay u sii gudbisay aabbahay kaas oo waxbarasho la’aantiisa darteed – ama taa awaadeed – go’aan degdeg ah ku gaadhay in inankiisa ugu yari dugsiga galo.

Dhismaha dugsigu wax uu ahaa qol keliya oo leh saqafka dhismaha reer galbeedka, wax uuna ku yaallay kolka Qunu la joogo buurta shishadeeda. Toddoba jir baan ahaa oo maalintii aan waxbarashada bilaabi lahaa tii ka horreysay aabbe inta uu gooni ii la baxay ayuu ii sheegay marka aan dugsiga joogo in aan si wanaagsan u lebbisto. Awel, sida wiilasha kale ee Quni oo dhan, go aan garbaha ka soo rogay ayaan dhexda ka guntan jiray. Imika se aabbe mid surwaalladiisa ka mid ah ayuu inta uu labada law ka gooyay i yidhi gasho, waanan gashaday, dhererna wuu i le’ekaaday in kasta oo uu dhexda iiga weynaaday. Dabadeed xadhig buu aabbe surwaalkii dhexda iigu giijiyay. Shaki la’aan muuqaygu qosol buu lahaa weligay se ma aan yeelan maro aan uga faan badnaa surwaalkaa jilbaha ka go’an ee aabbahay.

Cishadii kowaad ee dugsiga arday walba waxaa magac ingiriisi ah u bixisay macallimaddii oo ahayd miss Mdingane, wax ayna noo sheegtay maanta ka dib in aannu magacaa iskuulka kaga xaadiraynno. Sidaas ayaa berigaa dadka madow ee dhulka oo dhan caado u ahayd, shaki la’aanna waa arrin la xidhiidhay awoodda dhinaca ingriisida oo qudha ah ee barbaarintayada. Waxbarashadaydu wax ay ahayd Biritish taas oo fikradaha, dhaqanka iyo hay’adaha dawladda ee wada Biritishka ah sarrayntooda toos loo aqoonsanayo. Dhaqan afrikaan wax la yidhaahdo iyo wax la mid ahi sidoodaba meesha ma jirin.

Faca aan ka midka ahay dadka dhaladka ah – iyo xitaa facan imika jooga – caadi ahaan qof waliba wax uu lee yahay magac ingiriisi ah iyo sidoo kale magac afrikaan. Bilawgii sababtu wax ay ahayd caddaanka oo ay ku adkayd ku dhawaaqidda magaca afrikaanka amaba aanay doonayn in ay ku dhawaaqaan, iyo iyaga oo isla markaa magaca caynkaas ah u arkayay yawnnimo [cawaannimo]. Maalintaa ayay miss Mdingane ii sheegtay magacayga cusubi in uu yahay Nelson. Waxaa laga yaabaa in uu yahay magac wax la wadaaga Lord Nelson, sarkaal badeedkii weynaa ee Biriteyn u dhashay, waa se malahayga uun.

Fiid aan sagaal jir ahaa baan dareemay mashaqo weyn oo gurigayaga ka jirta. Aabbahay waxaa u caado ahayd in uu afartiisa xaas kaltiris u la joogo, bahdayadana wax uu na la noolaan jiray bil walba toddobaad qiyaastii. Dabadeed maanta wuu noo yimid. Laakiin ma ahayn imaatin caadi ah ee wax uu noo iman lahaa maalmo ka dib. Wax aan ku la kulmay aqalka hooyo, isaga oo inta uu iska la bixiyay dhabarka u jiifa, oo si aan xad lahayn u qufacaya. In kasta oo aan sidaa u yaraa haddana waan garan karayay aabbe in uu dhowaan dunidan ka tegayo oo u yimid in uu karaal-ka hooyo ku dhinto. Kolley wax uu qaaday cudurrada sambabbada ku dhaca, laakiin cudurkiisu wax uu ahaa cidina ma sheegin waayo aabbahay weligiiba noloshiisa dhakhtar u ma tagin. Dhawr cisho ayuu aqalka dhex yaallay isaga oo aan dhawaaq iyo dhaqaaq lahayn, ilaa habeenkii dambe ay xaaladdiisu ka sii dartay. Waxaa wada hayay hooyo iyo ta ugu yar afooyinka aabbahay, Nodayimani, oo noo timid, isla cawayskaa ayuu goor dambe u yeedhay Nodayimani oo ku yidhi: “Naa i sii buurigaygii.” Hooyo iyo Nodayimani wadatashi gaaban ka dib wax ay isla garteen in aanay caqligal ahayn in ay isaga oo sidaa ah buuri siiyaan. Waxa uu se ku adkaystay in ay siiyaan, ugu dambaynna Nodayimani beebkii ayay u cabbaysay oo u shidday dabadeed siisay. Aabbana beebkiisii ayuu iska cabbay wuuna ku degay. Ilaa muddo saacad ah ayuu cabbayay dabadeed wuu dhintay, iyada oo beebkii afka ugu jiro.

Ma xusuusni weligay in aan la kulmay murugo taa ka weyn, wax aan se xusuustaa in aan dareemay cidloobid. In kasta oo ay hooyo ii ahayd asaaska nolosha haddana aabbe ayaa ahaa aqoonsiga qofnimadayda. Geeridiisu noloshayda wax ay ku lahayd isbeddello aan natiijadooda la malayn karin. Muddo yar oo aannu tacsi ku jirnay ka dib hooyo wax ay ii sheegtay in aan Qunu ka tegayo. Ma aan wayddiin sababta iyo meesha aan u kacayo midnaba.

Aroor hore ayaan alaabtaydii yarayd xidhxidhay oo aannu u socdaallay galbeed iyo degaankayga cusub. Murugadii geerida aabbahay ayaaba ka fududayd ta aan ka qaaday dhulkan aan ka tegayay. Ma aan aqoon meel aan ahayn Qunu, taas oo aan u jeclaa sida aan soohdinta lahayn ee ilmo waliba u jecel yahay meesha uu ku garaadsado. Intii aanay tuuladu buurta gadaasheeda igaga libdhin dib ayaan ugu jeestay oo u eegay si aan islahaa waa markii kuugu dambaysay. Waxaa ii sii muuqday aqalladii yaryaraa iyo dadkii oo hawl maalmeeddoodii iska wata; toggii aan ku dabbaalan jiray ee wiilasha kale ku la ciyaari jiray; beerihii galleyda iyo burcooyinkii doogganaa ee ay ugaadha xasilloon iyo xaynta idaha ahi daaqayeen. Wax aan maskaxda ka arkay wiilashii saaxiibbaday ahaa oo shimbiraha yaryar debedda ka ugaadhsanaya, oo lo’da caanaha diirran afka kaga maalaya oo harada toggu ku shubmo farxad ugu boodboodaya. Wax ay se ugu horrayn iyo ugu dambayn eegamdaydu ku raagaysay saddexdaa aqal ee yaryar ee aan ku soo qaatay jacaylka iyo xannaanada hooyaday. Saddexdaa aqal ayay liibaantaydii oo dhami ka buuxdaa, iyo sidoo kale noloshaydii oo dhami, waanan ka xumaaday in aanan soo wada dhunkan intii aanan ka soo dhaqaaqin. Ma aan rumaysan karayn mustaqbalka aan imika ku sii jeedaa si walba oo uu u fogaado in lagu dhererin karo noloshaa aan ka tegayay.

Annaga oo aamusan ayaannu lugaynnay ilaa qunyar qunyar gabbalku u dhacay. Laakiin jacaylka aamusan ee hooyo iyo ilmaheedu weligii kelinnimo ma yeesho. Aniga iyo hooyo sidayadaba aad u ma aannu wada hadli jirin, loo maba baahnayn. Weligay jacaylkeeda shaki iga ma gelin weligayna caawimadeeda joogtada ah madow iga ma gelin. Waxa uu ahaa socdaal daal badan, iyo waddooyin dhaadheer oo dhagax iyo uskag ah, oo haaro la fuulayo oo laga degayo, oo tuulooyin badan la dhaafayo, laakiin ma aannu hakan. Gabbal gaabkii ayaannu soo gaadhnay godan yar oo ay ku taallo tuulo dhiri ku meersan tahay, badhtankeedana uu ku yaal aqal weyn oo qurux badan oo ka sarreeya wax wal oo aan ilaa maalintaa arkay kaas oo aan eegmadiisa ku ashqaraaray. Dhismayaashu wax ay ka koobnaayeen laba afar-gees u dhisan iyo toddoba mutulle oo qurux badan aadna uga weyn kuwii aan hore u arkay oo dhan, giddigoodna wax ay ka dhisnaayeen dhagax cad oo indhadaraandar leh oo iftiinka qorraxda sii dhacaysa soo celinaya. Waxaa ku hor yaallay beer-guriyeed weyn iyo beer galley ay geedo gurmago’an ahi ku qaydan yihiin. Aqalka gadaashiisana waxaa ku taallay beer-guriyeed kale oo tii hore ka sii weyn oo lagu bilay dhir tufaax, beer khudradeed, ubax iyo xidh sogsog ah. Meel aad ugu dhow waxaa qotontay kiniisad aad u cad.

Laba geed oo halka aqalka weyn laga soo galo ku yaalla waxaa hoos fadhiyay labaataneeyo oday oo guurti qabiil ah. Dhismayaasha hareerahooda waxaa dhulka barwaaqada ah si xasilloon u daaqayay ilaa konton sac iyo malaha ilaa saddex boqol oo ido ah. Wax waliba qurux miidhan bay ahaayeen oo si wacan baa looga shaqeeyay wax ayna maskaxdu ka qaadanaysay hodantinnimo iyo sarrayn aad uga weyn wax walba oo khayaaligu i tusi lahaa. Wax uu ahaa Qasriga Weyn ee Mqhekezweni, caasimadda kumeelgaadhka ah ee Thembuland, guriga boqortooyada ee suldaan Jongintaba Dalinbyebo, suldaanka dadka Thembu.

Aniga oo weli taagan oo waxan oo qurux ah liqi kari la ayuu baabuur xiimayaa kadinka galbeed ka soo galay raggii geedka hoos fadhiyayna degdeg ayay u kaceen. Koofiyadaha ayay iska wada qaadeen oo kor u wada taageen iyaga oo ku dhawaaqaya “Bayete a-a-a, Jongintaba! (Jongintaba ha noolaado!), taas oo ahayd bariidada dadka Xhosa ee boqorradooda. Baabuurkii (oo aan beri dambe bartay gaadhigaa haybadda badan in la yidhaahdo V8) waxaa ka soo degay nin gaaban oo kuusan oo suudh bilic leh gashan oo aan isku kalsoonidiisa iyo madaxtaaggiisa ka garan karayay in uu yahay nin caadaystay in uu awood adeegsado. Magaciisa wuu ku bannaanaa waayo Jongintaba macnihiisa dhabta ahi waa “Kii buurta eegayay”, wax uuna ahaa nin leh haybad weyn oo ay indhaha oo dhami ku jeedeen. Wax uu lahaa midab madow iyo weji garasho ka muuqato, raggii geedka ka hoos kacay ayuuna isaga oo aan islurayn gacanqaaday, kuwaas oo aan dib ka ogaaday in ay ahaayeen Maxkamadda Sare ee dalka Thembu. Ninkaas ayaa ahaa taliyaha, isaga ayaana masuul iga noqon doona oo i korin doona tobanka sannadood ee soo socda.

Isla ilbidhiqsigaa aan arkay Jongintaba iyo qasrigiisa ayaan dareemay sidii aan ahay geed yar oo xididdada iyo laamahaba dhulka looga rujiyay oo lagu dhex tuuray duufaan aanu sinaba isaga caabbiyi karin. Waxa i gashay qaddarin aad u weyn iyo haddana jahawareer. Maanta ka hor weligay ka ma aan fekerin wax aan ahayn dantayda, mana aan yeelan hiyi ka sarreeya in aan dhergo iyo in aan ku adkaado dagaalka ciyaarta ah. Maskaxdayda ku ma jirin wax la yidhaahdo lacag, dabaqad, abaalmarin, ama awood. Mar qudha ayay duni cusubi isu kay furtay. Weligeedba carruurta guryaha saboolka ah ka timaaddaa haddii ay si degdeg ah nolol hodan ah u galaan waxaa jiita dhaldhalaalka badan ee nolosha. Aniguna taa ka ma aan duwanayn. Wax aan is arkay iyada oo wixii aan fikir haystay oo dhan iyo wixii aan ilaalin jiray oo dhami iga sii baxayaan. Seeskii aan awelba adkayn ee ay waalidkay wax iiga dul dhiseen durba wuu liicliicay. Ilbidhiqsigaa ayaan istusay suurtagalnimada in ay noloshu ii la diyaar tahay wax ka badan ciyaartii u tababarashada dagaalka.

 

You must be logged in to post a comment Login