Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey Xuska 20-guurada Booliska Somaliland oo maanta la qabtay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal kooban ka jeediyey Munaasibad loogu dabbaal-degay 20-guurada ka soo wareegtay markii la dhisay Ciidammada Booliska Somaliland.

Munaasibaddaas oo lagu qabtay maanta Taliska guud ee Ciidammada Booliska Somaliland. Xuska sannad-guurada 20-aad ee Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Madaxwaynaha ka sokow waxaa ka qaybgalay, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal iimaan, Saraakiisha kala duwan ee Ciidammada Booliska iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Booliska Somaliland CabdilLaahi Fadal iimaan, oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada ay xuskan u qabteen ay tahay inay wayneeyaan xuska maalinta 20-guurada aasaaska Ciidammada Booliska oo ku beegan saddexda bishan November oo maanta ah, waxaanu tilmaamay in ciidamadu muddadii ka dambaysay aasaaskooda ay horumar ku tallaabsadeen, isla markaana ay mar walba heegan ugu jiraan ammaanka dalka oo masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay.

Taliye Fadal, waxa uu tilmaamay in Ciidammadu ay la dagaallamaan wax kasta oo ammaanka Qaranka wax yeelaya, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in shacabku gacan ku siiyaan sidii ay uga takhalusi lahaayeen wixii dhibaato ku ah dalka.

Munaasibaddaas oo ay ka hadleen Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad, waxaanu hambalyo u diray guud ahaan Ciidammada Booliska, Xaasaskooda iyo Carruurtooda meel kasta oo ay joogaan xuska 20-guuradooda awgeed.

Madaxwayne Siilaanyo oo salaam sharaf ka qaatay Ciidammada Booliska ee halkaasi ku sugnaa, ayaa sidoo kale ammaanay doorka Ciidammadu kaga jiraan ammaanka sugitaankiisa, isaga oo u soo jeediyay inay halkaasi ka sii wadaan oo aanay ka daalin dedaalka ay ugu jiraan adkaynta nabadgelyada dadka iyo dalka.

Madaxwaynuhu, waxa kale oo uu sheegay inay qorshayaasha Xukuumadda ka mid tahay inay horumariyaan Ciidammada Booliska, horumarintaas oo ay ka mid yihiin kor u qaadista tayada aqooneed ee Ciidammada Ammaanka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.