Ha I Weydiin Cashuur Aanad Aqoon Maamulkeedda!

Qormadii 2aad Aqoonyahan Yuusuf Sooraan….Hargeysa(HWN):- Aqoonyahan Yuusuf Sooraan Ismaaciil oo ku takhasusay maamulka Cashuuraha iyo Kastamyada (Tax and Custom Administrator), isla markaana ku diyaariyey shahaadada la yidhaahdo Master-ta ayaa waxa uu soo bandhigay qoraalo muhiima oo la xidhiidha Cashuuraha iyo cidda ay ku waajibtey inay Cashuur bixiso, noocyada Cashuuraha la qaado, iyo weliba qaabka ay Xukuumadu Cashuurta u ruurinayso iyo weliba kaalinta shacabku ku leeyihiin.

Yuusuf Sooraan

Qoraaladan muhiimkan ee la xidhiidha Cashuuraha oo si taxane ah aanu Shabakada Hadhwanaagnews idinku soo gudbin doono ayaa waxaanu imika idiin soo gudbinaynaa Qeybtii 2aad ee taxanahan, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Siyaasada cashuureed waa siyaasada la doonayo in lagu soo saaro ama lagu helo dakhli kale oo dheeraad ah iyada oo aan dhaqalaha hoos loo dhigin isla markana dhakhligaa sare loo qaaday aanu dan yarta waxba yeelin, Sidaas darteed xiliyada ay dowladnimadu u baahato in ay samayso siyaasada cashuureed waa xiliga ay misaaniyadeedu is leekaan waydo oo uu dakhligu ka yaraado in uu daboolo kharashaadka ay dowladu u baahan tahay in ay gasho sanad misaaniyadeed ama dawlada ay daymuhu ku adkadaan in ay iska bixiso ayaa waxaa loo baahdaa in la sameeyo siyaasada cashureed. waxaa muhiim ah oo kale in dawladnimadu ogaato in siyaasadaa cashureed oo aan wadan maamul cashuureed aanay shaqayn karin “Policy change without administrative change is nothing…”

Sababta oo ah siyaasada cashuureed waa doorashada qalabka cashureedhalka maaulka cashureed yahay dhaqaajinta siyaasada cashureed (Tax policy – the choice of tax instruments whereas Tax administration – the implementation of tax policy), waxaad ogataa Maamulka cashuureed in uu yahay (Tax Administration) waa hab maamul oo dhamaystiran oo ujeedadiisu tahay in uu si dhamaytiran u hubiyo ugna dhamaystiro in uu soo ururiyo dakhliga cashureed si waafaqsan sharciga cashureed oo

ka kooban in la qabto dakhliga cashuureed, in la xisaabiyo dakhliga cashureed, in la sheegan karo cashuurta taagan ee aan la bixin iyo in cashuur bixiyayaasha taloyin la siin karo ayaa la yidhaa maamulka cashureed. sidoo kale siyaasada cashuureed, sharci dajinta cashureed iyo mamulka cashureed waa saddex arimood oo midba midka kale ku tiirsan yahay oo isku xidhan.

Sidaas darteed aynu tusaale u soo qaadano dowlada Somaliland oo samaysay siyaasad cashureed dabayaaqadii 2013-kii oo ay doonaysay in ay dakhli dheeraad ah ku samayso, laakiin siyaasadaa cashureed ee ay samaysay waxay saamayn toban ku noqon doontaa in dhaqaalahu hoos u dhaco isla markaana waxyeelayayso dan yarta. Sababta oo ah marka hore ma wadato maamul cashureed, haddii aanay wadan maamul cashureedna waxay dhabar jab iyo been abuur cad ku tahay in aad galiso misaaniyadda qaybteed hoose ee kharashaadka dawladu gali doonto sanadka dambe 2014.Sidoo kale, waxay been abuur kale ku tahay in aad galiso miisaaniyada qaybteed sare ee dakhliga, isku soo wada xoori waxaa hubaal ah in ay Somaliland siyaasadan cashuureed ee ay wadadeeda qaaday soo saari doonto dakhli yar oo kooban oo intiisa badani ku dhici doonto jeebabka shaqaalaha ka shaqeeya goobahaa dakhliga laga rajaynayo. halka xaab xaab yar oo dakhli ahina ku dhici doono khasnada dawlada Somaliland.

Waxaan doonayaa in aan ku soo dhawaado sababaynta arintan aan hor ku soo xusay. siyaasadani may wadan maamul cashureed oo socod siinaya horena maamulka cashureed ee Somaliland ka jiray laftiisu wuxuu ahaa mid aad u hooseeya oo udub dhexaad u ah u musuq maasuq. sababta oo ah haddii aynu tusaale ahaan u soo qaadano maamulka cashuureed ee Haayada ama waaxda cashuuraha bariga Somaliland (Somaliland Inland Revenue Authority) oo ah meesha ay taabanayso siyaasada cashureed ee la sameeyay isla markaana ah waax nidaamka dowladnimo u qaabilsan cashuro badan inaga oo si guud u daah furin doona maamulka cashureed, sidaas awgeed waaxdani waxay ka shaqaysaa oo kaliya in ay ururiso dakhliyada cashureed ee ay qaabilsan tahay, tusaale ahaan degmada Hargeysa waxay u shaqaysaa in ay tahay xaruntii Somaliland oo dhan isla markaana ah waaxda degmada Hargeysa, arinta la yaabka leh ee ka jirta waaxdan Hargeysa iyo waaxaha gobolada kale oo dhamina waxaa ay tahay in ay xafiisyo ka furtaan degoomiyinka goboladooda oo dhan iyaga oo ugu tallogalay in ay uruuriyaan dakhliga oo kaliya, iyada oo ay maamulka cashureed qalad ku tahay in dakhli cashureed uu qabto ama isku diyaariyo in uu qabto iyada oo ay maqan yihiin tusaale ahaan waaxaha ay ka mid ka yihiin waaxda diiwaan galinta cashuur bixiyayaasha oo iyaddu ah waaxda qaabilsan in ay cashuur bixiyayaasha soo diwaan galiyaan, ka dibna u soo gudbiyaan xafiisyada yar yare ee imika furan halka imika ay u shaqayso in ay iyagu diiwaan galiyaan kay doonaan,isla markaana qabtaan dakhliyada kala duwan, waana arin ku ceeb ah dowladnimada iyo shaqo kasta in uu labadan hawlood la isku qabto.

 

Sidoo kale iyada oo ay maqan tahay waaxda barida iyo wacyi galinta cashuur bixiyayaasha,sidoo kale ay maqan tahay waaxda baadhida iyo dabo galka cashuur bixiyayaasha.

La Soco Qeybaha kale……………..

Yuusuf Soraan MBA Of Tax And Custom Administrator

Graduate Institute of Tax And Custom Administration

Ethiopian Civil Service University

Email: sooran07@hotmail.com