Xildhibaan si adag uga hadlay Xeer ay Xukuumadda Siilaanyo ku cabbudhiso Saxaafadda iyo qodobbo kale

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay waddo qorshe ay rabto inay ku cabbudhiso Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka hawl-gasha.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog, waxa uu cambaareeyey wax ay Xukuumaddu ugu yeedhay Xeer Saxaafadeed ay Golaha wakiillada u gudbisay, xadhigga Luul Xasan Mataan oo Madax ka ahayd Xarunta daryeelka Carruurta ee Mustaqbal oo ku taalla degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale waxa uu cambaareeyey isku-day dil oo bishii hore lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

“Waxaan halkan ka canbaaraynayaa Xeerka Saxaafadda ee cusub ee ay Xukuumaddu hor-keentay Golaha Wakiillada Somaliland, Golaha Wakiilladana dhawr jeer ayaa la hor-keenay Xeer lagu cabbudhinayo Saxaafadda, balse waxaannu ka saarnay ajandaha Golaha. Saxaafadda Somaliland-na berigii hore iyaga ayaa taban-taabiyey Xisbiga Kulmiye inuu dalka qabsado.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyey Mudanayaal Wakiillada ka tirsan oo uu Cabdiraxmaan ka mid yahay, taasoo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waxaan garan-waayey waxan Xukuumaddiisa ku diray Saxaafadda,marka hore waxa laysku dayey in saxaafada layskugu daro xadhig iyo xabad iyada oo la ogaa in la xidhay suxufiyiin badan, markii xadhigga waxba lagaga qaadi waayey xabbad ayaa loogu daray, waxaa loogu daray jidh-dil.”

Waxa uu Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) sheegay in markii Saxaafadda xorta ah ee Somaliland waxba lagaga qaadi-waayey ay Xukuumaddu bilawday weji kale oo ay ku cabbudhinayso madax-bannaanida Warbaaihnta Somaliland. “Markii waxba lagaga qaadi waayey waxa loo magacaabay Nin yaqaanna Saxaafadda oo Xukuumaddu ku tidhi mustafayn ku samee.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Md. Cabdiraxmaan-Xoog waxa uu Xukuumadda ugu hanjabay inaanay Xeerkaas Warbaahinta lagu cabbudhinayo Gole Wakiillo ahaan ka yeeli doonin ansixintiisa, waxaanu yidhi; “Markii waxba lagaga qaadi waayeyna waxay yidhaahdeen aynu keenno Xeer Saxaafadda lagu cabbudhinayo. Markaa, waxaannu leenahay Golihii Wakiillada ayaannu nahay idinka yeeli mayno inaad Saxaafadda cabbudhisaan, awooddayadana waxaannu ku hor-istaagi doonnaa Xeerkaas annaga ayaana difaacayna.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxa uu cambaareeyey xadhigga ay Xukuumaddu kula kacday Maamulihii Xarunta daryeelka Carruurta Derbi-jiifka ku noqota Hargeysa Luul Xasan Mataan oo toddobaadkii hore Xabsiga loo taxaabay welina xidhan, taasoo uu xadhiggeeda ku tilmaamay sharci-darro iyo awood sheegasho.

Sidoo kale, waxa uu Cambaareeyey toogasho la isku dayey in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga UCID, isla markaana laga soo doortay gobolka Saaxil, kaasoo bilihii u dambeeyey naqdiyi jiray siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, dhalliilana u jeedin jiray, balse bishii hore goor habeennimo ah Nin ku toogtay Xaafadda Jigjiga yare ee magaalada Hargeysa, taasoo uu Md. Xoog ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.