Maxkamad Maraykanka uga bilaabmatayMasuul hore xil uga soo qabtay Somaliland

Washington(Aftahannews):- Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa bilowday dhegeysiga dacwad lagu soo oogay masuul hore xil uga hayn jiray Somaliland. Cali Maxamed Cali, oo hore Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada u ahaan jiray ayaa loo haystaa eedo la xidhiidha inuu lacag madax-furasho uga qaatay markab laga lahaa wadanka Denmark oo budhcad badeed qabsadeen sannadkii 2008.

images

Ninkan oo muddo laba sannadood iyo badh ku jiray xabsiyada Maraykanka ayey khubarada dhinaca sharcigu ku sheegeen weji-gabax in qof muddo intaa le’eg lagu hayo xabsi isagoo aan la xukumin. “Waa weji-gabax in dal sharciga xaqdhowraya ugu hayo gof xabsi muddo 30 bilood isagoo aan dacwad lagu oogin,” ayuu yidhi Jonathan Turley.

Khabiir dhinaca Dastuurka oo wax ka dhiga jaamacada George Washington University lana scoda kiiskan. Mr. Cali, oo la filayo in xabsi daa’in lagu xukumo, ayaa beeniyey inuu qabo dembiga lagu soo eedeeyey. Xulista Xeer-beegti dhegeysan doona kiiskiisa ayaa bilaabmatay khamiistii.

Waxaana la keenay maxkamada isagoo lebis caadi ah xidhan, halka xilliyo hore yimi isagoo direyska maxaabiista xabsiyada xidhan. Xulistii xeer-beegtida khamiistii ayaa loo sheegay inaanay akhrin ama daawan wax ku saabsan budhcad badeedka, kana mid yahay filim dhowaan laga sameeyey afduubka maraakiib dhacay sannadkii 2009 oo la yidhaahdo “Captain Phillips,”.

Xukuumada Maraykanka ayaa ku eedeysay in Cali oo wakiil ka ahaa budhcad badeedka, u noqday afhayeenkii la hadlayey mulkiilayaashii markabka oo siiyey madax-furasho gaadhaysa $1.7 million budhcad badeedkii, halka sidoo kale lagac madax-fursho gaadhaysa $75,000, gaar loo siiyey Cali Maxamed. Mr. Cali Maxamed ayaa la sheegay in lagu soo xero-geliyey martiqaad been ah inuu ka qeybgalo shir waxbarashada oo ka dhacayey magaalada Raleigh, N.C., waxaana la xidhay bishii April 2011, markuu ka degay garoonka diyaaradaha Dulles International Airport, ee dibedda kaga yaal magaalada Washington. Read more: Maxkamad uga bilaabmatay Maraykanka Masuul hore xil uga soo qabtay Somaliland.

Copyright © OGAAL NEWSPAPER Ogaalnews.net