Daraasad lagu soo daabacay wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa muujisay cabitaanka biyaha badan caafimaad dhanka maskaxda ah in laga faa’idayo; qof walbana qofka uu ka biyo cabitaan badan yahay in uu ka caafimaad badanyahay dhanka maskaxda.
Daraasadan oo ay soo saareen Culumo wax ka dhigta jamacada Bariga Londan oo arrintaan u kuur galay, waxay xuseen cabitaanka faraha badan dadka isticmaala in 14% ay ka caafimaad badan yihiin kuwale ee aan isticmaalin biyaha badan, maskax dooduna ay ka koriima badan tahay.
Saynisyahanada u kuur galay daraasadaan, waxay ku booriyeen dadka inay ku dadaalaan isticmaalka biyaha badan, sababtoo ah wuxuu dawo u yahay maskaxda wuxuuna ka qeyb qaataa koriinka maskaxda iyo unugyada kale.
Si daasi si la mid ah, Culumada dhanka caafimaadka ayaa hore u xaqijiyay jirka Bini’aadamka 70% uu yahay biyo
Diyaariye>C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Aftahannews.com