Madaxweynaha Uganda Oo Argagax Ka Qaaday Warbixin Laga Siiyey Tacaddi, Musuq Iyo Hagar-daamooyin Ay Ku Kacaan Saraakiisha Ciidamma AMISOM Kaga Jira

Kampala(Aftahannews):- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa niyad-jab iyo anfariir ka qaaday warbixin ay u gudbiyeen Ciidammada Uganda  ee UPDF oo ka tirsan howlgalka AMISOM, kuwaas oo beddel ahaan ugu soo laabta dalkooda.

Sida ay qortay Jariiradda Monitor ee ka soo baxda magaalada Kampala,  Madaxweyne Musevi,  ayaa ku baraarugay arrimo dhowr ah o la xidhiidha AMISOM, ka dib markii uu kulan xog-wareysi ah Askartan kula qaatay Dugsiga tabobbarka Ciidammada ee Singo ee degmada Nakaseke, isagoo dhammaan Saraakiisha Ciidanka ka codsaday inay ka baxaan Hoolka Shirka, si uu Ciidanka uga helo warbixin buuxda oo la xidhiidha noloshooda, qaabkii ay u dagaallami jireen, hogganka Ciidanka iyo Mushaarka ay heli jireen.

Museveni_Uganda_FP

Askartaas ayaa Madaxweynaha ka ilmeysiiyay, ka dib markii ay u sheegeen inay marar badan la-dagaallameen Malleeshiyada Al-Shabaab, iyagoo gaajeysan, isla markaana waxay cunaan aan heysan, mararka qaarna loo keeni jiray Raashin uraya oo la kariyay dhowr maalmood ka hor sida ay uu Wargeyskaasi baahiyey.

“Taliyeyashu waxay suuqyada ka soo iibsan jireen cunto macaan oo nadiif ah, annagana waxay nagu qasbi jireen inaan cunno mid ureysa.” ayay Madaxweynaha u sheegeen Askar ka tirsan guutada 45-aad ee Ciidanka Uganda oo qayb ka ah Ciidammada Midawga Afrika ka socda ee AMSOM ee dalka Soomaaliya ka hawlgala.

Sida uu qoray Monitor waxay Askartaasi si qalbi furan warbixintan ula wadaageen Madaxweyne Musevi, iyagoo u sheegay in Saraakiisha Ciidanku ay iibsan jireen Shidaalka loogu talo-galay in ay ku dagaallamaan Baabuurta gaashaaman ee ay wataan sida Taangiyada iyo kuwa kale ee dagaalka.

“Gaadiidka dagaalka ee aan xabbaddu karin looma isticmaali jiran dagaalka Al-shabaab, waxaanay taa beddelkeeda ay jidadka Muqdisho u mari jireen (dadku ha idin arkaan iyo is tus-tusnimo), waayo? Shidaalkii ay ku dagaallami lahaayeen waxaa iibsada Taliyeyaasha.” Hadalladaas ayay  u sheegeen Madaxweyne Museveni Askarta ka tirsanaa Ciidammada dawladdiisa ka jooga Soomaaliya.

Ciidankaas oo mid-mid Madaxweynaha ugu warramaya, ayaa sheegay inay Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM ula dhaqmi jireen sidii Mucaarad oo kale, waxaanay sheegeen in laga musuq-maasuqay  mushaaraadkooda iyo gunnooyinka loo soo saxeexay.

“Illaa bishii September ee sannadkii hore maannaan helin gunnoyinkayagii, haddii aan weydiinno Taliyayaashayada waxay noogu jawaabi jireen handadaad ah in dib naloo celinayo haddii aan mar dambe  kala hadalno arrinta mushaarka.” Sidaa waxa Madaxweynaha u sheegay Askari magaciisa la qariyay oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Cirka Uganda.

Madaxweyne Museveni oo xanaaq daraaddiis indhaha isku haya, ayaa indhaha kala furay markii Askari kale oo ka tirsan Ciidanka lugta uu u sheegay in Taliyeyaasha Ciidanka ay hubka iyo rasaasta ka iibiyaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed, taasoo ay xitaa dhici karto inay ka mid yihiin wakiillo u shageeqa xarkada Al-shabaab, kuwaasoo Ciidanka UPDF ay dagaal kula jiraan.

Askarta ayaa sheegay in xilligan ka hor aysan su’aalaha iyo warbixintan soo bandhgi karin, iyagoo sheegay inay aaminsanaayeen in madaxweynuhu ka war hayo dhibaatada heysata ciidankiisa.

Sida uu qoray Wargeyska Monitor, eraygii ugu horreeyay ee Madaxweyne Museveni ka soo yeedha  ka dib markii uu  dhageystay warbixinta wuxuu ahaa; “Waan ka xumahay wax kasta oo idinku dhacay intii aad joogteen halkaas (Soomaaliya), arrintan hadda ayaan ku baraarugay, waxaanan idinka ballan-qaadayaa inaan wax ka qabanayo khaayimiinta magaca Uganda dhulka ku jiiday.”

Warbixita ay faafisay Jariiradda Monitor, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Ciidankiisa uga mahad-celiyay faah-faahinta dheeriga ah ee ay ka siiyeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaanu sheegay in xitaa laamaha Sirdoonka aanu weli ka helin warbixin tan ay Askartu siiyeen oo kale ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Uganda Lt Col Paddy Ankund, ayaa ka gaabssaday inuu faah-faahin ka bixiyo kulankaas, isagoo sheegay inaanu goob-joog ka aheyn, wuxuuse xaqiijiyay inay jiraan ugu yaraan 24 Ciidan, Saraakiil iyo  Qandaraasleyaal ah oo loo ganaaxay qiyaanooyin, xatooyo iyo  musuq-maasuq, kuwaasoo ay ka mid yihiin;

• Brig. Michael Ondoga—Ugabag10 Contigent commander

• Lt Col Johnson Muhanguzi

• Lt Col Oulanya of 403 battalion

• Lt Col Sam Kirya—Intelligence Officer

• Lt Col Matua

• Maj Kirabo-logistics

• Maj Nsubuga –logistics

• Capt Joy Atugonza –logistics Officer

• Capt Muwolozi –Special Investigations Bureau

• Capt Joseph Ochari

• Capt Sirajje Kyalisima

• Capt Biryomaisho

• Capt Wekomba

• Lt Felix Muhuza — motor transport officer

• Lt Ahmed Seiko

• Lt Sulaiman Ssekajja

• Lt Patrick Opio

• Lt Balidawa

• Lt Charles Bwambale

• Warrant Officer I Masagazi

• Sergeant Waiswa

• Lance Corporal Ochan

• Lance Corporal Muluya Eluid

• Private Ntura

• Private Ssebidde Ismail Ibrahim.

Xigasho Hiraan online.