Isticmaalka Muuska oo faa’iido u leh xusuusta xilliga Imtixaanka

Berlin  Khabiirad u dhalatay dalka Jarmalka oo ku takhasustay cuntooyinka ayaa sheegtay in Muusku ka mid yahay Cuntooyinka faa’iidooyinka wayn u leh aadamaha.

download

Gabadhan oo lagu magacaabo Sara Nuwbower ayaa sheegtay in raashinkan wanaagsani uu door wayn ka ciyaaro dar dar galinta dareen sidayaasha dhinaca maskaxda taas oo keenaysa in qofka isticmaala xasuustiisu ay noqoto mid aad u saraysa.

Haweenaydan oo macalimad ka ah jaamacad ku taala dalka Switzerland ayaa ku tilmaantay in Isticmaalka muuska Xiliyada Imtixaanka in ay ka caawinayso qofka isticmaala in xasuustiisu ay u shaqayso si xidhiidh ah oo uu ku xasuusan karo wax badan awoodiisa maxkaxeedna kor u qaadi karo.

Waxaanay sida oo kale sheegtay in xiliyada ugu wanaagsan ee la cuno muuska ay tahay inta u dhaxaysa Quraacda iyo Qadada ama Qadada iyo Cashada waxaanay intaas ku dartay in Muuka ay ku jirto maado la yidhaa Magnesium taas oo door wayn ka ciyaarta xoojinta unugyada dareensiyadaasha.

Diyaariye>C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

Aftahannews.com