Hooyo haddaad jeceshahay Walaalkay Maxaad u cuntay!?

Qalinkii Faysal Cumar Madar…Dhamaadkii bishii ina dhaaftay ee October 26 keedii ayaa bulshada Somaliland oo dhami ka maqla’een warbaahinta madaxa  banaan in laxidhay marwo Luul Xasan Mataan oo ahayd maamulihii xarunta caruurta  darbi jiifka Hargaysa.

Xadhiga luul waa mid laga wadayaabay markii hore lakiin markii danbe ee saxafada iyo dadka dhexdooda la iska sii waraysatay waxa soo baxay marwo luul in haweenka ka hoos shaqeeya xukumada siilaanyo iyo haweenka mansabyada ugu sareeya qaranka qaarka mida ay dhibsadeen guusha ay gaadhsiisay ubadkii yar yaraa ee darbiyada caasimada ku cabi jiray xabagta iyo batroolka.

FAYSAL1

Intaa kadib markii maamulihii xaruntan marwo luul la xidhay ayaa intaa kuma ay joogin xukumadii waxay hadana sakhdii dhexe ee habeenkii labaad u daateen caruurtii yar yarayd oo ay ula galeen qoryo didmo iyo sas caruurta ku dhacay ka dib waxay wax yeeleen gabadh kamida shaqaalihii goobta oo ay midi ku dhacday sida lasheegayay,sida igu maqaala waxa la ii sheegay in ubadku moodayeen habeenkii askartii usoo daadanaysay Buskii roodhida deedna waaba qori deedna caruurtii baa ku tidhi askartii adeero caawa ma idinkaa noo sida roodhidii. Waayaab , ergooyin, cuqaal, golayaasha qaranka xildhibaano intuba ergo ayay ka galeen sii daynta maamo luul xasan . intuba waxay kala soo noqdeen afkala qaad madax tooyada waayo waxa uu odaygu u sheegay in aanay isaga ku xidhnayan arintu lakiin ay cidkale ka godo deedna ilaa gudoomiyihii guurtida mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa ku hungoobay markii arintu ay gashay meel aanu nin weyni ula tagi Karin ergo .

Intaa ka dib waxa soo baxday  in ay arinkan haweenka xukumadu meel adag ka taagan yihiin tiina waxay keentay in ay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka awdal oo dhami ka hadasho taasina aniga waxay iila muuqatay cunsuriyad in lagula kacay marwo luul waayo luuul hadii ay rabto ubad ay wax uqabato waykaraysay in ay xaruntan oo kale ka samayso maagalada boorame lakiin ay hargaysa ka samaysay taasina waxay marag u tahay in ay marwo luul tahay qof qaran oo dalku iskugu mid yahay .

Waxa igu dhaliyay maqaalkan aanku cabirayo halka aanka taaganay arinkan laba nin oo aanan hore melna ugu arag oo layidhi midna waa agaasime midana layidhi waa wasiiru dawle , waa ka hore ee agaasimaha ahi waxa ka muuqday calaamado badan oo kuwii raga sunaha u ahaa lakiin markuu hadlo aad aad u yaabay so ninkaas oo hadalkiisa ay ka muuqatay in uu sheegayo fariin dumar usoo dhiibeen wuxuu leeyahay waxaasaa lasiin jiray intaasoo lacagaanu siinaa , meel heblana intaasaa laga siinjiray , miyaanu ogayn galaydh in aan  lasiiyeen hadii aanay marwo luul meel wax loogusoo hagaajiyo u samayn , kakale ee wasiir dawlaha ahi wuxuu u hadalayaa isgu si cunsuriyadaysan oo uu leeyahay maanta ma ahayn in ubadkeenii aynu usoo halgamaynay in halkan aad arkaysaan lagu hayo , waanka xumay in aad adigoo wasiira tidhaa sidaa laakiin  “awr awr wado iyo nin naagi wado mina kaama baydho”.

Arintani waxay ixasuusi say sheeko ahayd ilmayar ayaa hooyadii oo uurle arkay markaasuu ku yidhi hooyadii, hooyo maxaa halkan ku jiro isaagoo taabanaya caloosha hooyadii markaasay hoyadii ku tidhi hooyo waxa ku jira walalkaa, deedna ilmihii yaraa ayaa ku yidhi oo hooyo maad jeceshay markaasay hooyadii tidhi haa waan jecelahay markaasuu hadana yidhi oo hadaad oo hooyo jeceshay maxaad u cuntay isagoo uga jeeda maxaad calooshaada u galisay isagoo garanaya oo kaliya waxa kaliya ee caloosha gala in ay yihiin wixii afka laga cuno.

Hadaba Somaliland bulshadeeda waxaan leeyahay horta madax tooyadu hadii ay caruurta ilaalinayso kuwo badan baa ka horeeya kuwa luul gacanta ku haysay waliba waxaan shaki ku jirin in uu madax tooyada cidi dabada ka ga riixayso oo ay leedahay iiga qaada naagtan reer awdal oo aniga reer hebelee ha la iidhiibo, waayaab , waxa kale oo aan idiin sheegayaa in xaalado badani ku gadaaman yihiin kuwa kale ee ay imika gacanta ku hayaan ee ah xarunta agoomaha ee hargaysa (ex-dhalinta kacaanka ) hadii aad tagto waxaad moodaysaa goobtaa xarun ayku shiraan dumarka ka ag dhaw madax tooyada , waxaan shaki ku jirin in cidkasata oo shilin kaga soo leexdo lacagta agoonta in dhakhso looga arki doono arrimihii ilaahay inoo sheegay

Qalinkii Faysal Cumar Madar

Email: qumuj81@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland