Musharraxa Xisbigu waa Siilaanyo ee Hoggaanka KULMIYE Maxaa ka qaldan?

Qalinka: Mawliid Aadan Cumar Hargeysa…Ka dib doorashadii madaxtooyada ee 26/06/2010, ee xisbiga kulmiye ku guulaystay hogaanka talada dalka waxaa madaxweyne noqday musharaxii doorashada madaxweynenimo  xisbiga uga sharaxnaa oo ah Madaxweyne Axmed-Silaanyo.oooooooooooo

hadaba doorashadaas ka hor xusbiga kulmiye wuxuu ahaa xisbi mucaarid ah oo halgan ugu jira hanashada hogaaminta qaranka somaliland, Sidaasi darteed la wareegistii hogaanka dalka ka bacdi xisbigii kulmiye waa xisbul-xaakim, Balse waxa ka muuqata in saddexdaa sano ee xisbigan kulmiye hayay hogaanka qaranka ama uu xisbul-xaakimka noqday ay warbaahinta dalku soo gudbinaysay khilaaf iyo kala qoqobnaan u dhaxaysa hogaanka xisbiga kulmiye iyo golohooda xukuumada.MAWLIID1

Hadaba Waxaan aragtidayda ku miisamayaa waa Laba Qodob oo keeni kara khilaaf soo kala gala Xukuumada iyo xisbigii ay ka dhalatay ee ay isku ahaayen xisbul-xaakimka, Sidaasi awgeed labadaasi qodob Ka hore

1. Qodobka Kowaad:- Waa hogaanka xisbiga oo soo bandhiga dhaliilo muuqda oo ay hayaan cadaymahooda ahna xadgudub iyo wax is daba marin ku cad xubno ka mid ah golaha xukuumada, Sidoo kale asxaabta mucaaridkuna ay hore uga hadashay dhaliilahaas xisbul-xaakimku dabagalka ku sameeyay ah waxay hogaanka xisbul-xaakimku u gudbinayaan madaxweynaha qaranka oo talaabo ka qaadaya xubnahaas golaha xukuumada  waxaa akamid ah dabcan sida xaqiiqadu tahayna waa sida tayada iyo hormoodnimada xisbul-xakimku ay ku jirto.

2.Qodobka Labaad:- Waa Hogaanka xisbiga oo aan fahansanayn siyaasada nidaamka asxaabta dabedeedna noqda haad garbabeelay sababtuna waxa weeye mar hadii hogaamiyaha qaranka uu yahay madaxweynihii xisbul-xaakimka ka yimid waxay noqonaysaa hogaanka waxbaa ka qaldan.

Intaas markaan kaga gudbo labada qodob waxaan ku darayaa Waxaan leeyahay bahweynta Kulmiye Markastiba Musharaxa Xisbigu Waa Madaxweynaha Guusha Koowad hantiyay in mar labaadkana loogu daro hadii aanu isagu ka tanaasulin markaa waxan ku soo koobayaa Wadaad iyo Waranleba Musharaxu Waa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee ku Abshira Insha Allaah.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Qalinkii Mawliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland